Saturday, June 20, 2015

New York, 21 June, 2015 (Himilo)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, ayaa shalay magacaabay Ku-xigeenka Ergayga Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee ANSOM, waxaanu u magacaabay Mr. Peter de Clercq, kaasoo beddeli doona Dr. Phillippe Lazzarinni oo xilkaas hayey.

Ku-xigeenka cusub ee Xafiiska ANSOM Mr. Peter De Clercq, waxa uu u dhashay dalka Netherlands, waxaanu sidoo kale noqon doonaa Madaxa Laamaha Qaramada Midoobay ee isku-dubbaridka Gargaarka Bani’aadaminnimo iyo Horumarinta Barnaamijyada ee UN-OCHA iyo UNDP ee Soomaaliya.

Warbixinta laga soo saaray Xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, ayaa lagu xusay in Phillippe Lazzarini oo u dhashay Waddanka Switzerland xidhiidhiyaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Waddanka Lebanon loo magacaabay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa Lazzarini uga Mahad-celiyay intii uu hayay xilka Ku-xigeenka Wakiilkiisa Arrimaha Soomaaliya shaqooyinkii uu Soomaaliya kasoo qabtay muddadii uu xilkaas Ku-xigeennimada hayey.

Peter, ayaa hore uga soo shaqeeyay Hay’adaha Qaramada Midoobay, isagoo kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid tahay Sudan, isagoo sidoo kalena ahaa 27-kii sano ee lasoo dhaafay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Qaxoontiga Adduunka u qaabbilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNHCR.

Magaacabidda Peter, ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Bishii May ee sannadkan xilliga shaqo u kordhiyeen Xafiika Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM, kaasoo saddex lixbood oo kale ka sii shaqeyn doona Soomaaliya, isla markaana uu Madax ka yahay Nicholas Kay.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment