Berbera, 24 June, 2014-(Himilo)- Munaasibad Afur ah, ayaa shalay xadhigga lagaga jarayay Masaajid cusub oo uu dhisay Maareeyaha Dekedda Berbera, waxana lagu qabtay gudaha Masaajidkaas oo ku yaal Xaafadda Barwaaqo ee magaalada Berbera.
[gallery columns="2" ids="20886,20885"]
Xafladdaas waxa ka qayb-galay Masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Ciddin, Isu-duwaha Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Saaxil, Culimo iyo Dadweyne kale.
Hadal uu halkaasi ka jeediyay Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor ) waxa uu ka waramay qiimaha uu xaafadan iyo magaalada berbera u leeyahay masaajidkan oo uu sheegay in looga baahan yahay in la soo camiro, isla markaana lagu dedaalo sidii looga ilaalin lahaa dayaca loogana shaqayn lahaa nadaafadiisa. “Ammaanta iyo Ducada Misaajidkan waxa iska leh Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Maadaama uu Kharashkiisa iyo Ogolaanshihiisa iyo hawshiisaba isaga uu iska lahaa alle haku ilaaliyo Cimrigiisa Caafimaadkisa iyo Xaaskisa iyo Ubadkiisa Khayrka Misaajidkan, waa arrin heer qaran ah Dhismayaasha Masaajiddu waa arrin dawladaha lagu yaqaannay inay ku dedaalaan hagaajinta Diinta in loo dedaalo.” Sidaa ayuu yidhi Cali Xoor-xoor.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Inta badan misaajida waxa lagu dhisa qaadhaan bulshada dhexdeeda ah laakiin lacagta misaajidkan lagu dhisay waa lacag dawladeed boqolkiiba boqol, Madaxweynaha ayaa amarkeeda Lahaa anguna qabashadeeda ayaanu lahayn. Dhismaha Misaajidda Illaahay baa wax lagaga doonaya waxaynu ognahay in dadkii misaajidada berbera dhisay kuwi dayactiray ay dhinteen maanta inaga ayaa joognaa waxa la doonayaa inay misaajida xil iska saarno waxaana lagu eegi doono dadka wax gacanta ku haya ee awooda.”
Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa isna sheegay in ay farxad u tahay in reer Berbera helaan Masjidkan. Guddoomiyuhu waxa uu dadweynaha ku dhaqan guud ahaan Berbera, gaar ahaanna Xaafadda Barwaaqo ee laga dhisay Misjidkan u soo jeediyey in looga baahan yahay in ay Masaajidka ka faa`iidaystaan sidii ay ugu cibaadaysan lahaayeen, isagoo u mahad-celiyey Maareeyaha Dekedda Berbera.
Maayerka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin), ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Waxa weeye Misaajidku bogcada ugu khayrka badan koonkan ku taala ee eebe leeyahay waxaanu illaahay uga baryeynaa cidkasta oo ka qeybqaadatay in eebe misaanka xasanaadkiisa ugu daro inagana waxa la inooga baahanyahay inay ka qeyb qaadano ku cibaadeysigiisa iyo ka faaiideysigiisa bisha barakeysan ee ramadaan ee aynu ku jirno, sidii horeba loo sheegay misaajidkan sidii uu ahaa iyo sida hada laga dhigay waynu garanaynaa dadka xaafadan waxaan ugu baaqayaa inay ka faaiideystaan oo misaajidkan camiraan guryaha illaahay waxa lagu cimaraa waa cibaado weeyeen, qofka dhisa guri ilaahay waxa janada looga dhisaa guri aynaan malayn karin sida Rasuulku (CSW).”
Sidoo kale, Isu-duwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee gobolka Saaxil Sheekh Maxamed, ayaa ka warramay fadliga iyo faa`iidada uu leeyahay qofka Masaajid Allaah dartii u dhisaa. Waxaanu sheegay in cidkastoo gacan ka geysatay dhismaha Masjidkan oo uu ugu horreeyo Maareeyaha Dekedda Berbera in Allaah miisaanka xasanaadka ugu daro khayrka iyo ajarkiisa.
Sheekh Ibraahim Boqore Ayaa isna ka waramay Xasanaadka uu leeyahay Dhismayaasha misaajid illaahay iyo ajarka uu eebe ku bixiyo waxaanu dadka xaafadaasi degan ugu baaqay inay soo camiraan misaajidkaasi oo ku cibaadeystaan. Masaajidkan ayaa ah mid ka kooban laba Dabaq, oo si qurux badan loo dhisay isla markaana loo dhamaystiray dhamaan wixii looga baahnaa Masaajid, waana Masjidkii koowaad ee qaabkaas u dhisan ee laga dhiso Berbera, iyagoo dadweynaha reer Berbera soo dhaweeyey dhismaha Masjidkan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment