Tuesday, June 30, 2015
Waxyaalaha Bannaan soonka Dhexdiisa
Waxa jira in dadka soomani waxyaalo aan Soonka shido u lahayn ay ka feejignadaan iyagoo moodaya in uu dhib leeyahay, bal haddaba aan wax ka tilmaano waxyaalaha aan Soonka dhibta u lahayn haddii Qofku sameeyo:
1. Qofka sooman waxa u bannaan inuu qubaysan karo labada gelinba weliba haddii uu uga jeedo in naftiisu ku ilowdo oonka iyo haraadka wax dhib ah ma laha, haddii uu jidhaan dhex muquurto oo uu aamin ka yahay in aanay Afka iyo Sanka wax Biyo ahi ka gelayn way u bannaan tahay inuu muquurto.
“Waxaan arkay Rasuulka oo jooga meesha Caraj, isagoo ku shubaya madaxiisa Biyo, isagoo sooman, haraad dartii ama kulayl dartii.”
2. Cadaygu labada gelinba wax dhibaato ah ma laha, Cullimada qaarbaa yar kohday maadaama uu urtii afka kaxaynayo, urtaas oo Illaahay agtiisa ka udgoon badan miskiga. “Haddii aanan mu’miniinta,ama Ummadayda dhibayn waxaan amri lahaa cadayga Salaad kasta”.
Markaa Xadiiskan waxaan ka faa'iidaynaa in Cadaygu goor kasta fiican yahay.Cadayga oo leh Faa'iido badan waxa Nebigu SCW inoo jideeyey isagoo ah sunne adag, in la cadaydo wuxuu Xadiis ku yidhi:
"Cadaygu waa Nadaafada Afka & Raalli noqodka Illaahay".
Markaa Cadaygu dhawr jeer ayuu aad u fiican yahay, waxa ka mid ah:
b) Xilliga Hurdada laga kaco (Nebigu SCW wuu cadayan jirey).
t) Xilliga Hurdada loo diyaar garoobayo (Nebigu SCW wuu Cadayan jirey)
j) Xilliga Guriga &Xaaska aad u soo gashid (Nebigu SCW wuu cadayan jirey).
x) Xilliga la waysaysto.
kh) Xilliga Salaada la gelayo.
d) Xilliga Qur’aanka la akhriyeyo.
r) Xilliga Afka aad isbedel ka dareento.
3. Waxa bannaan Irbadaha aan ahayn cuntada ama fitamiinada Nafta gelinaya awooda haddii Qofku isku duro caafimaad darro awgiis dhib ma laha.
4. Waxa u bannaan inuu Xaaskiisa dhunkan karo, lana faraka ciyaari karo waa haddii uu aamin ka yahay inuu galmo ku dhaco ama Biyo ka soo baxaan.Waxa sidaa sheegaya Xadiiska Rasuulka ay ka sheegtay Caa'isha RC:
"Caa’isha waxay tidhi: Rasuulku SCW wuxuu ahaa mid dhunkada isagoo sooman, wuu taataaban jirey (Xaaska) isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa mid is xejin kara. (Xubintiisa ka adag). Cullimadu waxay yidhaahdeen dhalinyarada aan is xejin karayn ha ka fogaadeen inay Dumarka ka ag dhowaadaan, waayo haddii uu ku tala xumoobo waxa ka dhalanaya kafaara gud culus.Maxaa yeelay nabadgelyada wax loo dhigaa ma jiraan.
5. Waxa u bannaan inuu Cadar marsan karo, ama indho kuusho, ama subkan karo.
6. Waxa u bannaan haddii uu u baahdo inuu cunto dhadhamiyo, isaga oo aan liqayn ee tufaya.
Afurada & Adaabteeda
Sunadu waxay tahay inuu degdeg u afuro Qofka sooman marka Qorraxdu dhacdo, marka uu xaqiiqsado in Qoraxdii dhacday waa inuu dedejiyo afurka, xadiis ayuu Nebigu SCW ku sheegay: Dadku Khayr ka suuli maayaan intay dedejinayaan Afurka".
Waxa kale oo uu xadiis ku yidhi: "Ummadaydu ka suulimayso inay Sunahayga ku taagan yihiin, inta aanay Afurka Xiddigaha la sugin".
Waxyaalaha lagu afurayo
Waxyaalaha lagu afurayo waxa ugu horreeya Timirta, iyada ayuu Nebigu SCW ugu horreysiin jirey, haddii uu waayo Biyaha ayuu ku afuri jirey, Sidaa wuxuu ku sheegay Xadiis: "Midkiin haddii uu afurayo ha ku afuro Timir, waa Barako, haddii uu waayo, Biyaha ha ku afuro waa Daahire". Sh. Albaani wuxuu yidhi; Waxa Saxiix ah in Ficilka Nebigu SCW sidaa ahaa. Waxa kale oo dhaqanka Nebiga SCW ahaa in Saddex midh oo timir ah ku afuro ama tiro isdheer, waxa kale oo uu ku afuri jirey wax aan dab lagu bislayn.
Afurka waxa ugu Mudan Timirta & Biyaha
Afurka oo cunto badan la cuno, waxay keentaa in Salaada Taraawiixda laga wahsado, oo Qofka culays fuulo, markaa waxa fiican in cuntada iyo Cashada laga danbaysiiyo Salaada Taraawiixda, tani sunne maaha laakiin waa wax tajribada lagu ogaan karo.
Waxa kale oo iyana aynu Imaamada Masaajidada ku boorinaynaa in aan Salaada maqrib la dedejin waa in dadka sooman loo ogolaado waqti ku filan oo ay ku afuri karaan, waxa Nebigu inoo jideeyey haddii Cuntada & Salaadu isku beegmaan in Cuntada la hor mariyo, waayo Salaada lama ogola in Qofku tukado isagoo qalbigiisu wax ku fekerayo, markaa waa in salaada dib loo yare dhigo si dadku u afuraan.
Waxa iyana ka soo aroortay Ducooyin uu ku ducaysan jirey marka uu afuro, Ducooyinkaa wax ka mid ah: ﺿﻌﻴﻒ(أﻓﻄﺮت رزﻗﻚ وﻋﻠﻰ ﺻﻤﺖ ﻟﻚ إﱐ اﻟﻠﻬﻢ). Xadiisku waa Mursal oo ma ansaxin, wuxuu leeyahay markhaatiyo xoojinaya, laakiin qofku wixii uu doono ee khayr ah ayuu ku ducaysan karaa.
Waxa kale oo Nebiga SCW ka sugan inuu markii uu afuray yidhi:
"Rasuulku wuxuu ahaa marka uu afuro mid yidhaahda; Haraadkii wuu tegey, Curuuquhuna way Qoyeen, Ajrigiina Insha allaah wuu sugmay". Waxa kale oo iyana khayr badani ku jiraa in la afuriyo Qof sooman, wuxuuna helayaa ajrigii Qofka Sooman mid la mid ah, iyadoo aan kii la afuriyey waxba laga nusqaamin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment