Saturday, June 20, 2015
Hay’adda Lacagta Adduunka oo Shaacisay heerka korodh ku yimi Dhaqaalaha Soomaaliya iyo ilaha laga helay
Muqdisho, 21 June, 2015 (Himilo)- Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, ayaa warbixin ay soo saartay ku shaacisay korodh ku yimi dhaqaalaha waddanka Soomaaliya, iyadoo xustay inuu kordhay dhaqaalaha Soomaaliya 3.7% (Saddex dhibic toddoba boqolkiiba), waxaanay tani noqonaysaa markii ugu horreysay muddo 25 sannadoo ah ee ay IMF ka hadasho dhaqaalaha Soomaaliya.
Qiimeyn ay sameysay Hay’adda IMF ka dib, ayaa lagu ogaaday in sannadkii hore ee 2014-kii uu dhaqaalaha Soomaaliya sare u kacay 3.7%, taasoo ay ku tilmaantay in ay tahay mid aad u wanaagsan. Sidoo kale, Hay’adda ayaa sheegtay in meelaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu ka kordhay ay kala yihiin; Wax-soo-saarka Beeraha, Is-gaadhsiinta iyo Dhismayaasha.
“Horumarrada laga sameeyay dhinacyada Amniga iyo abaaro la’aanta Soomaaliya, ayaa ka dhigi karta in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordho 5% xilliyada soo socda. Hase-yeeshee, kororka dhaqaalaha Soomaaliya ee xilligan ayaan meesha ka saarayn fiqiirnimada iyo kala sarreynta dhanka nolosha ee dhaqaalaha ku tiirsan.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixinta ay Hay’adda IMF soo saartay ee ay kaga hadashay korodhka dhinaca dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya.
Warbixinta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, ayaa lagu xusey in dawladda Soomaaliya ay wali si weyn ugu tiirsan tahay kaalmada caalamka ay ka hesho, iyadoo IMF ay ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay xoojiso Hay’adaha Lacagta iyo Cashuuraha oo la ururiyo, si ay u gaadho isku filnaansho heer wanaagsan ah.
IMF waxay ka hadashay dhanka sicir-bararka iyadoo xustay in sannadkii 2013-ka uu ahaa 1.3 %, halka sannadkan uu gaadhi karo boqolkiiba illaa 4%, isla markaana ay dhanka kale ku darsami karto korodhka dhaqaalaha sannadkan aynu ku jirno illaa 2.7%.
Hay’adda IMF, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay is-af-garad la gaadho gobollada, lana timaaddo Siyaasad lacageed oo lagu wada qanacsan yahay, Cashuur-uruurin dalka oo dhan ah iyo kheyraadka dalka oo si siman loo qaybsado.
Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta ayaa waxay imanaysaa xilli dhawaan ay kulammo lagu adkeynayo xidhiidhka labada dhan ay dhexmareen Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiillo ka socday Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Himilomedia
Hargeysa
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment