Hargeysa, 23 June, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ganafka ku dhufatay inay jiraan dayacnaan iyo xaalado qalafsan oo la soo darsay Qaxootiga ka soo barakacay colaadda ka taagan waddanka Yemen oo isugu jira dad Soomaali ah iyo Carab dhalasho ahaan dalka Yemen u dhashay, kuwaas oo la sheegay inanay daryeelkii qaxootinimo ka helin Somaliland.
Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa war-saxaafadeed ay todobaadkan soo saareen ku shaaciyey inay indhahooda ku arkeen dadka Qaxootiga Carbeed ah ee ka soo baracay dalka Yemen oo qaarkood aanay haysan wax hoy ah, isla markaana qoysas tiro badan wadaagaan Qolal cidhiidhi ah oo daryeel-la’aani ka muuqato.
Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in dadka Yemeniyiinta ah marka lagu soo dhaweeyay Berbera la siiyo kaadhka Qaxoontinimo, islamarkaana xukumaddu wixii karaankeeda ah u qabato hay’addaha samafalka ee ku shaqo leh qaxoontigana ay ku dardaareen inay taakuleeyaan dadkaasi. “Dadka Yemeniyiinta ah ee dalka joogaa waa ilaa lix boqol oo qoys oo tirada dadkoodu marka la isku geeyo ay noqonayso ilaa saddex kun oo qof. Qaxoontigii wali waa socdaa, dagaalkii Yemen-na wali waa socdaa, todobaadkiiba dhawr goor bay yimaadaan dekedda Berbera doonyaha iyo maraakiibta dadka qaxoontiga ah sida. Dadkaasi waxay iskugu jiraan dad u dhashay Somaliland,Somalia iyo dad Yemeniyiin ah iyo dad kale oo jinsiyado kale oo aan iyagu badnayn, mar walbana qaxoontigu wuu yimaaddaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka la hadlayey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment