Nairobi(Himilo)-Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa muddo 25 sannadood kadib soo bandhigtey wabixin ku saabsan korodh ku yimid dhaqaalaha ee Soomaaliya, halka uu markii hore ka ahaan jirey “NA” Not Available.
Hay’adda IMF ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2014 dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay qiyaas dhan 3.7%. “Dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ayaa lagu qiyaasayaa in uu gaadhayo 3.7% sanadkii 2014, waxaana ka qayb-qaatey waxsoosaarka beeraha, xoolaha nool, dhismayaasha iyo Isgaadhsiinta” sidaas waxaa lagu sheegay warbixinta IMF. Hay’adda lacagta Adduunka ayaa qiyaaseysa sanadkan 2015 in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacayo 2.7%.
“ Soomaaliya waxay u baahan tahay aragtiyo is waafaqsan marka la eego Federaalka Maaliyadda, oo ay ku jirto damaanad qaadka helitaanka adeegyada, dakhli ururinta iyo waddaagiisa,” ayaa lagu yidho qoraalka. IMF ayaa warbixinteeda ku sheegtey in Dawladda Soomaaliya si xoogleh ugu tiirsan tahay gar-gaarka caalamka, waxaana ay ku baaqdey in la adkeeyo Hay’adaha Maaliyadda iyo hagaajinta kor u qaadida dakhliga.
Kooxda baadhitaanka samaysey ayaa shirar la qaatey Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim, ku-xigeenka Wasiirka Qorsheynta Cabdullaahi Shiikh Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise Cali.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment