Wednesday, June 24, 2015

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay Dilal loo geystay Askar Ciidammada ka tirsan, shacabkana taageero ka codsatay

Hargeysa, 24 June, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay dilal Askar Ciidamada booliska iyo Milatariga ah loogu geystay magaalooyinka Hargeysa, Ceerigaabo iyo Qorulugud, waxaanay shacabka ugu baaqday inay ciidamada ku gacan-siiyaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa gacan-ku-dhiiglayaashii ka dambeeyey dilalkaas.
wasiirkaWasiir ku-xigeenka Maamulka Degmooyinka iyo Gobollada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Axmed Faarax Cadare, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ku dabo-jiraan gacan-ku-dhiigle dhowaan magaalada Hargeysa dil ugu geystay Askari ka tirsan oo isaga iyo dhowr Askari oo Ciidamada Booliska ka tirsan oo sida la sheegay ninka dilka geystay gurigiisa ugu waraaq Maxkamadeed, kaas oo rasaas kala horyimi isla markaana ku furay askartaas, taas oo sababtay geerida hal askari halka qaar kalena ku dhaawacmeen.
Wasiir ku-xigeenka oo xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda kula hadlayey warbaahinta, waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in shacabku rasaas u adeegsadaan ciidamada ee ammaanka dalka ilaalinaya, waxaanu yidhi, “Waa ayaan-darro inay mujtamicii u soo dhigtaan ciddii amniga ilaalinaysay, arrin aad u fool-xun oo dhacday bay ahayd, waxaan leeyahay samir iyo iimaan Illaahay ha innaga siiyo dhammaanteen.
Gacan-ku-dhiiglihii waa lagu daba-jiraa, runtii waxay ahayd arrin aad u sahlan oo sida ay u dhacday iyo siday u weynaatay aanay islahayn, nasiib-darro waxay isku beddeshay sidaas.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaanu baaq ugu soo jeedinaynaa Shacabka Somaliland gacan ku-dhiiglayaasha falalka caynkaas ah ku kaca inaan la qarin, qofka qariyaanna uu la dambi noqonayo, waxaan leeyahay hala caawiyo ciidanka, amnigeenna ayaa ku xidhan. Dadka qarinaya ama taakulaynaya, waxa u qurux badan inay soo dhiibaan qofkii. Dilku wuu dhacaa,
“Waxaanu ka codsanaynaa shacabka inay ciidamada ku taageeraan oo soo sheegaan dilalkii ka dhacay Ceerigaabo, kii ka dhacay Qurulugud iyo kii halkan (Hargeysa) ka dhacayba,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Maamulka degmooyinka iyo Gobollada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, waxa muddooyinkii u dambeeyey dalka ku soo kordhayey dilal badheedh ah oo dad Shacab ah kula kacaan Ciidanka Booliska iyo sidoo kale dilal ay isu geystaan askarta Ciidamada Qaranka.
Dhowaan ayay ahayd markii duleedka Galbeed ee Hargeysa lagu dilay Laba askari oo Ciidamada Booliska ka tirsan oo ilaalinayey Dhul lahaanshiyahiisa laysku haystay, waxaana goobtii ay ku sugnaayeen soo weeraray Dabley abaabulan oo markii ay dilka geysteen baxsaday, kuwaasoo aan la garanayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, balse waxa ay Laamaha Ammaanku falkaas u qab-qabteen Odayaal iyo wax-garad ku abtirsada kooxda weerarka geysatay.
Sidoo kale, waxa muddooyinkii u dambeeyey soo kordhayey dilal qorshaysan oo si badheedh ah qudha looga jaray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, iyadoo askartii dilkaas geysatay aan gacanta lagu dhigin marka laga reebo odayaal loo xidh-xidhay falalkaas.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment