Sunday, June 21, 2015

Xisbiga Waddani Oo Cisbitaalka Guud Ku Booqday Dhalinyaro Dhaawac Soo Gaadhay.

 

Hargeysa, 21 June, 2015 (Himilo)- Xubno ka tirsan hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ku booqday dhaawaca dhalinyaro waxyeello ka soo gaadhay hawl-gal ay ciidamada Boolisku ku kala dhex-galeen dagaal Kooxo dhalinyaro ah ku dhexmaray Xaafadda Daami todobaadkii hore, waxaanay xubnaha Xisbiga Waddani dhalinyarada dhaawaca ah guddoonsiiyeen Qaddar lacag ah oo Xisbigu ugu talo-galay.

Hoggaanka Xisbiga ee Booqashada ugu tragay dhalinyarada ayaa kala ahaa Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Riyo-raac Xoghaye ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Daa’uud Food Xoghayaha Dalxiiska Md.Mubaarik Cabdi Xasan Buuni, Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, Xoghaye ku xigeenka warfaafinta iyo Maxamed Muuse Tiyo.

Cabdirashiid Maxamuud Cali oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in ciidamadu rasaas u adeegsadaan shacabkooda, waxaanu Illaahayna uga baryey dhalinyarta in uu siiyo caafimaad, waxaanu ugu dambayntii ku wareejiyey qadar Lacag ah oo guddoomiye Ciro uu ugu soo dhiibay dhalinyartu in ay Afur ka dhigtaan.

 

 

Himilo Media

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment