Sunday, June 21, 2015

Guddiga Wanaag-farista Oo Ka Hadlay Hawl-gallo Ay Ka Sameeyeen Hargeysa, Baaq U Diray Shacabka

Hargeysa, 21 June, 2015 (Himilo)- Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland oo shalay kormeer ku sameeyey meelo ka mid ah magaalada Hargeysa oo lagu yaqaano in lagu kariyo cunto xaaraan ah xilliyada Ramadaanta, ayaa bulshada ugu baaqay inay soo sheegaan meelaha lagu kariyo raashinka xilliyada maalintii, waxaanay bulshada Somaliland ugu baaqeen inay ka faa’idaystaan kheyrka bisha barakaysan ee Ramadaan.

wararka caawaGuddida oo hawlgalkeeda ku qabtay Dad ka ganacsada Raashinka Xaaraanta ah xilliyada maalintii iyo qaar lagu qabtay iyagoo cunto afka ku haya, ayaa sheegay inay guddi ahaan dar-daran geliyeen hawl-gallada ay sameeyeen xilliyada maalintiisa, kuwaas oo inta bishan lagu gudo jiro gaaf wareegi doona suuqyada magaalada Hargeysa.

”Qolada Qaad layaasha ah waxaan leeyahay iibkiisa iyaga ayay jirtaa oo kaas ka hadli mayno laakiin, meel Marfash ah oo maalintii qaad lagu cunayo haddaanu u nimaadno nasteexo ayaanu siinaynaa hadii ay diidaan sharciga ayaanu horgaynaynaa,” Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha guddida Wanaagfarista iyo Xumaan-reebista Sheekh Cabdiraxmaan Muxumed Cabdalla.

”Sanadkan aynu maanta joogno ilaa Masalaha ilaa Haleeya meelkasta waanu soo marnay saaka (shalay subax), gaadhigaas iyo askartaas ayaa wareegayay meel hadda sanadkan dab lagu shidayo maanu arag, Nin Qayilaya mooyaane cid kale maanu arag, kaasna waanu xidhnay, mid quraac iyo biyo dad dhan oo muslim ah ku dhex cunaya isna waanu soo xidhnay, waxaanu u sheegaynaa dadka muslimiinta ah qofna gar-darro lagu qaban maayo, dad islaam ah ayaynu nahay ee aynu iska ilaalino xaraanta,” Sidaasna waxa yidhi Sheekh Ismaaciil oo ka mid Culimada Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista.

 

 

Himilo Media

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment