Wednesday, June 24, 2015

Waxyaalaha Soonka Jebiya

 

Soonka Waxa jebiya:

1. In Qofku gaaloobo (illaah ayaan ka magan galnay), sida isagoo Diinta caaya ama Rasuulka, ama Diinta Quudhsada, iwm.Haddii Qofkii soomanaa Diinta ka baxo wax Soon ahi uma jiro, dhamaan Camalkiisuna wuu burayaa, Allaah ayaa kitaabkiisa ku yidhi:

"Hubaal waxa laguu waxyoodey Adiga & kuwii kaa horreeyey “haddii aad Shirki la timaado, Camalkaagii wuu burayaa, kuwa khasaarayna waad ka mid noqon”.

2. Inuu u badheedho inuu wax cuno ama cabbo, xattaa haddii uu niyeeyo way ka jabaysaa Isagoon wax cunin, Illaahay baa yidhi: "Cuna oo cabba ilaa waagu idiin kala caddaado, dabadeed Soonka dhamaystira ilaa Habeenku dumo".

3. Inuu iska matajiyo si badheedha, Sidaa waxa ku yimi Xadiis:
"Qofkii Matag soo dirqiyo qalle laguma laha, Qofkii iska matajiya (badheedh) ha qaleeyo".

4. In Biyo ka yimaadaan si u kas ah, Galmo ha sameeyo ama si kaleba ha uga timaado, Waxa Xadiisal qudsi Illaahay ku yidhi: Wuxuu Cuntadiisii iyo Sharaabkiisii iyo
Shahwadiisii uga tegey Aniga dartay" Aayad Qur’aan ahna wuxuu ku yidhi: Waxa laydiin xalaaleeyey Dumarkii inaad u tagtaan Habeenkii Soonka".
Wejiga Dalliilku waa : in Aayadu Habeenkii ay ku soo koobtay Galmada Dumarka, dalliiladu way badan yihiin, Waxa xusid mudan haddii Maalin Ramadaan uu Ninku Xaaskiisa u tago, in Soonkii ka burey labadoodaba, Ninkana ay ku waajibeyso inuu Addoon xoreeyo, hadduu
waayo, inuu Laba Bilood oo sanka isku haya uu soomo, haddii uu kari waayo, wuxuu Quudinayaa Lixdan Miskiin, hadduu kari waayo, way ka dhacaysaa kafaaradu. Sidaa waxa ku yimi Xadiis Saxiixaynka iyo qayrkoodaba soo saareen:
“Waxa Nebiga NNKHA u yimi Nin, wuxuu yidhi: waan halaagmey!, wuxuu ku yidhi: Maxaa warkaagu yahay? Wuxuu yidhi: waxaan ku dhacay Xaaskaygii Maalin Ramadaan!, wuxuu ku yidhi: Ma helaysaa wax aad Addoon ku xorrayso?, wuxuu yidhi: May!, Wuxuu ku yidhi: Ma awoodaa inaad Laba Bilood oo xidhiidh ah Soonto? Wuxuu yidhi: may!, wuxuu yidhi: ma awoodaa inaad Lixdan Miskiin quudiso?, wuxuu yidhi : helimaayo!, intaa ka dib waxa Rasuulka loo keenay Danbiil ay timiri ku jirto, wuxuu Nebigu NNKHA ku yidhi: tan qaado oo sadaqayso, wuxuu yidhi: oo cid iiga baahi badani miyey madiina joogtaa?!! Nebigu NNKHA wuxuu ku yidhi: qaado oo Reerkaaga sii!.[Bukhaari&Muslim].

5. Is toobista (ama dhiig shubis)
“Way afureen kii wax toobay & kii la toobayba”. Toobinka in lagu afurayo Cullimadu iskuma raacsana ee qaarkood ayaa sidaa qaba sida Mad'habka Xambaliyada, Labada Mad'hab ee Xanafiya iyo Maalikiya waxay qabaan haddii aanu ku daciifayn inuu istoobi karo Qofka soomani, Mad'habka Shaaficiya waxay qabaan in aan toobinku Soonka wax u dhimayn, waxay daliishadeen Xadiis Saxiix ah oo Ibnu Cabaas Nebiga NNKHA ka sheegay inuu istoobay isagoo sooman, waxay yidhaahdeen Xadiiskani wuxuu nasakhay Xadiiskii aan kor ku soo xusnay ee sheegayey in kii la toobay iyo kii wax toobay labaduba afureen.

Sidoo kale, waxay ku daraan dhiig shubista, haddii ay darruuri noqoto inuu Qofku Naf badbaadiyo oo dhiig u shubo, wuu afurayaa wuuna soo celinayaa, sidaa waxa la mid ah Qof ama Xayawaan xurmo leh oo biyo ku qaraqmay oo Qof soomani inuu badbaadiyo damco .

6. Inuu isku Muddo dawooyinka fiitaminka ah ama cuntada u dhigma. Kuwani waxay la xukun yihiin cunistii iyo cabistii maadaama ay u dhigmaan cunto ama wax la mid ah, Qofka sooman jidhkiisana ay gelinayaan awood, sidaa Cullimadu way isku raacsan yihiin.

7. Imaashaha dhiiga Caaddada ama Dhalmada. Sidaa waxa u dalliila ah Xadiiska Nebigu NNKHA ku yidhi: “miyaanay markay dhiiga hesho (Gabadhu) Salaada iyo
Soonka joojineyn?. Xadiisku wuxuu ina tusayaa in Qofka dumarka ahi markay dhiiga hesho, ama dhasho ay Soonka iyo Salaada ka tegayso.

8. Haddii Qofka soomani suuxo, Cullimadu waxay ka leeyihiin Ra’yi kala duwan: Haddii uu Suuxo inta ka horraysa xilligii Niyadu ansaxaysey oo sidaa waqtgii Niyadu kaga tagto waxay isku waafaqsan yihiin in aanu Soon u jirayn. Haddii uu niyoodo oo kadib Maalinta dhexdeeda suuxo mad’habka Xanbaliyada, Xanafiyada iyo Maalikiyadu iyo Riwaayad Shaaficiyada ah, waxay qabaan in Soonku u jiro, Mad’habka Shaaficiyadu wuxuu qabaa haddii uu Maalinta oo dhan suuxsanaado in aan Soon u jirin.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment