Wednesday, June 24, 2015

Wasiirka Caafimaadka oo ka War-bixiyey Qorshe Culayska saaran lagaga Qaadayo Cusbitaalka Guud Hargeysa

Dr Xagla-toosiye oo Kormeer noociisu ugudb yahay ku maray MCH-yada Hargeysa

Hargeysa, 24 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa shaaca ka qaaday qorshe wasaaraddiisu ku hawlan tahay oo Xarumaha Adeegyada Caafimaad ee hooyada iyo Dhallaanka ee caasimadda Hargeysa loogu beddelayo Xarumo Caafimaad oo daboola dhammaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan tahay Xaafadda ay xaruntaasi ku taallo.
Wasiirka CaafimaadakWasiir Saleebaan Xagla-toosiye waxa uu sheegay in qorshahan oo dalka oo dhan lag afulin doono wax badan ka tari doono baahiyaha Caafimaad ee shacabka magaalada Hargeysa u doontaan Cusbitaalka weyn ee Caasimadda oo culayskii saarnaa ka fududaan doono.
Md Saleebaan Ciise oo shalay warbaahinta warbixin ka siiyey ujeeddada kormeer uu ku maray Xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka ee magaalada Hargeysa qaarkood, ayaa sheegay inuu qayb ka yahay qorshe wasaaradda Caafimaadku MCH-yada ugu beddelayso Xarumo caafimaad oo dhakhaatiir aqoontoodu dhammaystiran tahay ka hawl-galaan.
“Waxa jira qorshe wasaaraddu waddo oo ah in laga guuro habka Xannaanooyinka oo loo guuro Xarun Caafimaad oo dhakhaatiir ka hawl-gasho oo leh Waadhadhkii dadka la dhigayey oo dawaynaysaa xannuunadii guud oo dhan, taasoo keenayso inay noqoto xarun caafimaad oo dabbarta baahida caafimaad ee xaafadda ay ku taallo, culays badanna ka qaadda cusbitaalka guud ee Hargeysa. Waxaan rejaynayaa in qorshahaas ay wasaaraddu waddo muddo kooban lagu dhammaystiri doono,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye waxa uu shalay kormeer kormeer kedis ah ku galaa-bixiyey qaar ka mid ah Xarumaha Adeegyada Caafimaad ee hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee magaalada Hargeysa.
Kormeerkaas oo ay wasiirka ku wehelinayeen Agaasime-waaxeedyada Maamulka iyo Caafimaadka guud ee Wasaaradda, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid wasiirku ugu kuur-galayey xaaladda xarumaha, Aqoonta Caafimaa ee shaqaalaha ka hawl-gala iyo tayada adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan Xarumaha MCH-yada ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale Ujeeddada Kormeerka wasiirku ku maray Xannaanooyinka Hargeysa qaarkood, ayaa qayb ka ah qorshe lagu horumarinayo isla markaana lagu ballaadhinayo adeegyada caafimaad ee bulshada u qabtaan Xarumaha adeegyada Caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka guud ahaan dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Aqooneed ee hawl-wadeennada ka shaqeeya goobaha Caafimaad.
Md Saleebaan oo kormeerkiisani noqonayo kii ugu horreeyey noociisa ee uu mar kaliya ku maro dhowr xarun-caafimaad oo oo xaafadaha magaalada Hargeysa qaarkood, waxa uu si gaar ah ugu kuur-galay qaab-hawleedka shaqaalaha iyo adeegyada ay bulshadu ka hesho xarumaha caafimaad.
Dr Saleebaan Ciise Axmed waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Laba Xarumood oo Dhallaanka iyo Hooyada ah oo ku yaala Xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa, isagoo wasiirku ku beegmay xilli ay ku sugnaayeen dadweyne adeeg caafimaad loogu qabanay xarumaha, waxaanu halkaas kula kulmay maamulka iyo hawl-wadeennada heeganka ku ah Xarumaha, kuwaas oo uu ka dhegaystay warbixinno la xidhiidha hawl-qabadkooda iyo noocyada adeegyada ay bulshada u qabtaan.
Kormeerka Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye oo Kedis ku noqday maamulka iyo hawl-wadeennada Xannaanooyinka uu booqday oo mar kaliya u war-helay wasiirkii Caafimaadka Somaliland oo dhex-taagan Xarumaha, waxa kale oo uu booqasho ku maray Xannaanooyin ku yaalla Xaafadaha Xawaadle iyo Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu si gaar ah ugu kuur-galay isla markaana uu gacantiisa ula tagay Daawooyinka ku keydsan oo uu baadhitaan ku sameeyey tayadooda.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment