Muqdisho(Himilomedia):- Afhayeenkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli, ayaa shaaciyey Isniintii shalay inuu iska casilay xilkaas, waxaanu sheegay inay jiraan caqabado badan oo dhinacyo kala duwan leh oo ka jira dalka Soomaaliya, inkasta oo uu xusay inay dedaal muujiyeen Madaxda dawladda Federaalku, haddana waxa uu soo jeediyey talooyin kala geddisan oo uu xusay inuu u arko in lagu suulin karo caqabadaha uu tilmaamay inay jiraan.
Ridwaan Xaaji Cabdiweli waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal uu shalay oo Isniin ahayd soo saaray isagoo jooga Muqdisho, kaasoo uu Warbaahinta ugu talo-galay, waxa uu ku yidhi; “Maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 22/06/2015, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan iska casilay xilkii aan u hayey Qaranka Soomaaliyeed labadii sano ee lasoo dhaafay ee ahaa Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo La-taliyaha Warfaafinta ee Raysal-wasaaraha Soomaaliya Anigoo Warqaddii is-tiqaalada u gudbiyay Ra'iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Runtii, Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan muddadaasi u soo shaqeeyo dalkayga, xilligan oo dalku marayo duruufo adag oo aan rajaynayo in Qaranku ka gudbi doono.”
Sidoo kale, wuxuu xusay in sababta xilkan aan uga tagay waa mid aniga ii gaar ah. Balse, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa inaan mar walba u taagnaan doono ka shaqaynta dhismaha Qaranka iyo u-adeegidda dalka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed. “Mudadii aan la shaqaynayey Xukuumadihii kala duwanaa ee ay Ra'iisul Wasaarayaasha ka ahaayeen Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa jiray horumarro la taaban karo oo loo qaaday dhinaca wanaagsan. Dhinacyada uu dalku horumarka ka sameeyey waxaa ka mid ah; Siyaasadda, Amniga, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenkii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
Ridwaan Xaaji, ayaa xusay in inkastoo horumarradaas la gaadhay, haddana jira caqabado wiiqaya taabbo-galka guulahaasi la xaqiijiyay, haddii aanay Hoggaanka dalka iyo Shacabkuba iska-kaashan arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed, ilaalinta xasilloonida Siyaasadda, dhiirri-gelinta dib-u-heshiisiinta, adkaynta caddaaladda iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, dhismaha iyo tayeynta hay'adaha dawladda iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha rayidka ah iyo ciidammada iyo weliba abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxa uu Ridwaan oo qodobbadaas iyo kuwo kale-ba ka hadlayaa qoraalkiisa ku didhi; “Soomaaliya waxay ku socotaa jidka horumarka, dimuquraadiyadda iyo dib-u-dhiska, balse si loo xaqiijiyo Hiigsiga Siyaasadeed iyo Himlooyinka Shacabka waxaa loo baahan yahay in Madaxdu ay ka dhabeeyaan go'aanka dalka lagu gaadhsiinayo doorashooyin xor ah si awoodda dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed, oo iyagu ay soo doortaan cidda hoggaaminaysa ama wakiilka uga noqoneysa siyaasadda dalka. Doorashooyin xor ah oo la gaadh iyo talada oo ay Shacabku yeeshaan, waxay horseedaysaa in la helo Madax karti leh iyo in laga gudbo nidaamka qabyaaladeed ee dalka ka jira oo aan u arko mid fashilmay oo aan u adeegayn dhismaha Qaran Soomaaliyeed iyo Masaalixda ummaddeenna.”
Qoraalkiisa waxa uu Ridwaan Xaaji Cabdiweli kusoo gebo-gabeeyay oo uu ku yidhi; “Intaa markaan ka gudbo waxaan doonayaa inaan halkaan si qalbi furan ugu mahad-celiyo Madaxdii, hawl-wadeennadii iyo bahda Warbaahinta oo dhammaantood xidhiidh iyo wada-shaqayn wanaagsani na dhex-martay muddadii aan Xafiiska joogay. Waxaa kale oo aan u mahad-celinayaa Qoyskayga iyo Saaxiibno badan oo igu dhiirri-geliyay inaan qabto Shaqadan oo dad badani ay khatar weyn u arkayeen.” ayuu ku yidhi Qoraalkiisa Afhayeenkii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo shaaciyey inuu is-casilay shalay
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment