Sunday, June 21, 2015
Cabasho iyo Qaylo-dhaan ka taagan Kooxo Ugaadhsato ah oo Faro-baas ku haya Duurjoogta iyo Baaq loo diray Xukuumadda
Hargeysa, 21 June, 2015 (Himilo)- Kooxo Ugaadhsato ah oo aan la ogeyn inay fasax ka haystaan Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga iyo in kale, ayaa faro-baas ku haya Duurjoogta ku dhaqan deegaanno ka tirsan Gobolka Saaxil.
Kooxahan oo la sheegay inay u shaqeeyaaan rag ajaanib ah, waxa hawl-galladooda cabasho xooggan ka muujiyey
Maamulka degmada Go’da Weyn ee gobolka Saaxil iyo Wax-garadka ka tirsan deegaankaas oo sheegay inay khaatiyaan ka joogaan rag hubaysan oo faro-baas ku haya duur-joogta deegaankaasi isla markaana ay dhowaan Duurjoog ka rarteen deegaanka Cillaan oo hoos yimaadda degmada Go’da Weyn ee gobolka Saaxil.
Guddoomiyaha degmada Cabdilaahi Cabdi Cali iyo Cuqaasha deegaka Go’ada-weyn oo si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa digniin adag u diray kooxo ugaadhsato ah oo si sharci-darro ah u gurta Duur-joogta ku nool deegaankaas, waxaanay ugu baaqeen in ay joojiyaan ugaadhsiga sharci-darrada ah ee ay u hayaan Duur-joogta deegaankooda, iyagoo xukuumadda u soo jeediyeen inay si dhakhso ah wax uga qabtaan kooxahan ugaadhsatada ah ee faraha baas ku ahaya Duur-joogta.
“Halkani waa tuullada Cilaan, kana mida degmada Goda-Weyn ee gobolka Saaxil, waana dacalka ugu baaleeya, degmadan, uguna xiga Koonfur bari, waana xuduuda dhinaca Togdheer oo dhinaca kalena Oodweyne ka qabto waana deegaan dheer oo dhul daaqsimeeda, waana deegaan hodan ku ah xoolaha nool, waxa kale oo deegaankani hodan ku yahay ugaadha duurjoogta ah, haddii ay tahay Deerada, haddii ay tahay Garanuugta iyo Cali-kuda iyo nooc kasta oo Duur-joogta ah,” Sidaas waxa yidhi Cabdilaahi Cabdi Cali oo warbaahinta la hadlayey.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu warbixn ka helay odayaasha iyo dadka deegaankaniba in niman ugaadhsato ahi oo fara baasna ku haya Duur-joogta ay si tuugo ah ku soo galaan deegaankani iyaga oo ka soo gala dhinaca waddada Togdheer, iyaga oo aan soogaadhin degmada Goda-Weyn inay ugaadhsadaan ugaadha iyaga oo u ugaadhsanaya si tuuganimo ah, waxaanu ugu baaqaynaa in hadii mardanbe ay soo galaan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, dadweynaha deegaakana waxaanu ugu baaqaynaa inay iska qabtaan oo ay maamul ahaan nagu soo wargaliyaan ciddii danbe ee madashaan intay iska soo gasho iska ugaadhsata duur-joogta iyada oo si sharcidaro ah u ugaadhsanaysa tan aad arkeysaan waa rasaasti ay ku leynayeen ugaadha iyaga oo ku laayay nooca loo yaqaano garanuugta waana niman carab u shaqeynaaya oo ugaadhan ugeynaaya.”
Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo masuuliyaddeedu tahay ilaalinta deegaanka iyo Duurjoogta, ayaa tiraba dhowr jeer oo hore oggolaanshiyo u siiyey shakhsiyaad ka ganacsada deegaano duurjoogtu ku badan tahay oo ka tirsan gobolka Saaxil, taas oo inta badan sababta cabasho ay dadka deegaanku ka muujiyaan.
Himilo Media
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment