Sunday, June 21, 2015
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dib-u-dhacyo Ku Yimi Shirka Guddiyada Wasiirrada Somaliland & Itoobiya Iyo Isbeddel Ku Yimi Aminta Iyo Goobta Lagu Qabanayo.
Hargeysa, 21 June, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dib-u-dhacyo tiraba dhowr jeer ku yimi kulan ballaadhan oo dhexmari lahaa Guddiyo Wasiirro ah oo ka kala tirsan Xukuumadaha Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo lagaga hadlayo Mashruuca dhismaha waddo laami ah oo isku-xidhaysa magaalooyinka Berbera iyo Tog-Wajaale, kaas oo qayb ka ah qorshe dowladda Itoobiya ku danaynayso isticmaalka Dekedda Berbera.
Shirkan oo 2-dii bishan ku qabsoomi lahaa magaalada Hargeysa, ayaa daba-socda shir magaalada Addis Ababa ku dhex-maray guddiyo Wasiirro ah daba-yaaqada sannadkii hore, waxase kulankan dib loogu dhigay inuu horaanta bisha todobaad ee sannadkan ku qabsoomo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kulankan ku wehelin doona labada dhinac Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub, sida uu sheegay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis.
“Kulankaasi wuxuu ahaa inuu 2-dii bisha dhaco, dib baanu u dhignay waanuna ku balansanahay in dib loo dhigo, waxaanu ku balansanahay in shir lagu qabto 7-da July Nairobi oo lagaga hadlayo Corridor-ka Berbera ilaa Tog-wajaale oo arrimo badan ay Midawga Yurub qabteen, arrimo farsamo awgeedna nalooga baahday macluumaad badan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo u warramayey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, waxaanu intaas ku daray inay kulanka ka qayb gali doonaan Bangiga adduunka iyo midawga Yurub.
Wasiirro ka socday dowladda Itoobiya, ayaa sannadkii hore booqasho ku yimi Somaliland, waxaanu socaalkoodaasi oo daba-socday kulan hore ugu dhexmaray dalka Itoobiya lagu muddeeyey shir mar labaad labada dhinaca ku dhexmari lahaa Somaliland. Haseyeeshee, shirka loogu ballamay dalka Kenya, waxa ka muuqda isbeddel ku yimi rabitaanka dowlada Itoobiya ee qorshaha dar-dargelinta mashruuca Berbera Corridor oo ay aad u danaynayaan maadaama ay kulankan ka qayb-qaadanayaan dalalka Midowga Yurub iyo baanka Adduunka oo bixinaya lacagta ku baxaysa mashruucan.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay hakad ku yimi waraaqaha dal-ku-galka Ethiopia oo kala go’ay safaaraddooda Hargeysa, kuwaas oo bixintooda dib loo bilaabay Khamiistii todobaadkii hore.
“Maalmihii dhawayd waxaa dhacay inay Istiikariskii Fiisaha lagu dhajinayay ka yara kala go’ay waanay noo soo warameen, anana waanu u sheegnay bulshada Somaliland in waxa hakiyay tahay Istiikariska oo ka go’ay. Hawsha Khamiistii bay dib u bilaabeen waanay socotaa, waanay noo ballan-qaadeen inay dedejinayaan dadkii badnaa ee liiska sugista ku jiray, waxaanan filaynaa in hawshaasi dhammaatay,” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Himilo Media
Hargeisa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment