Sunday, June 28, 2015

Gobolka Togdheer oo sannadkan Hantiyey Kaalmaha hore ee Tartanka Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah

Hargeysa, 28 June, 2015 (Himilo)- Xaflad ballaadhan oo Jimcihii dorraad galab lagu qabtay masaajidka Cali-Mataan ee badhtaamaha magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo gebo-gabeeyey tartankii Xifdiga Qur'aanka Kariimka ee bisha Ramadan oo loo qabtay arday ka socotay gobollada Somaliland.

Tartankan xifdiga Qur’aanka kariimka oo sannad walba bisha barakaysan ee Ramadaan loo qabto arday ka kala socota dhamaan gobolada Somaliland, isla markaana maalgeliso Shirkadda Dahabshiil ayey ka qeybgaleen 64 arday oo wiilal ah, oo 30 Arday ku tartameen 30-ka Juz, halka 34 Arday ay ku tartameen 15-ka Juz.
Kaalinta 1-aad iyo Kaalinta 2-aad waxaa ku kala guulaystay Labo arday oo ka socday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Halka Kaalinta 3-aad uu ku guulaystay arday ka socday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaalinta 4-aad iyo 5-aad waxa ku kala guulaystay laba arday oo ka kala socday Laascaanood iyo Burco.
Ardayda 30-ka Juz
Kaalinta 1-aad: Maxamuud Axmed Caalin Oo Ka Socday Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Kaalinta 2-aad: Naasir Faysal Faarax Oo Ka Socday Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Kaalinta 3-aad: Xanafi Bashiir Maxamed Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex
Kaalinta 4-aad: C/laahi Maxamed Cumar Oo Ka Socday Magaalada Laascaanood Ee G/Sool.
Kaalinta 5-aad: Xamse Cismaan Cabdilaahi Oo Ka Socday Magaalada Burco Ee G/Togdheer.
Ardayda 15-ka Juz
Kaalinta 1-aad: C/raxmaan Maxamuud Salaad Oo Ka Socday Magaalada Laascaanood Ee G/Sool.
Kaalinta 2-aad: C/laahi Axmed Sh.Shakuur Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex
Kaalinta 3-aad: C/raxmaan Cabdilaahi Bashiir Oo Ka Socday Magaalada Boorama Ee G/Awdal.
Xidhitaankii Munaasibaddan tartanka Qur’aanka kariimka ee shalay la soo gebagebeeyey oo si weyn loosoo agaasimay ayey ka soo qeybgaleen culimo-udiin farabadan, Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Culimo-udiin, Iyo Wefti Culimo masaari ah.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed oo xidhitaankii xafladaa ka hadlay ayaa sheegay in tartan Qur’aanka Kariimka oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo abaalmarino ku bixinayo la qaban doono 13 bishan maalinta salaasada lagu qaban doono masaajidka Cali-Mataan ee Hargeysa, taasoo kaalinta koowaad ardayga ku guulaysta abaalmarin u heli doono gaadhi, halka ardayda kaalmaha kale galena abaalmarino kala duwan la siin doono.

Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment