Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji xasan, ayaa jawaab ka bixiyey eedo iyo aflagaaddooyin uu sheegay inay siyaasiyiinta mucaaradka ugu jeediyaan madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa, waxaanu wasiirku ku dooday in xisbiyada mucaaradka ahi hormood ka yihiin, bulshadana ku kala qaybiyaan qabyaalad ay ku dooanayaan inay hoggaanka dalka ku hantaan.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay magaalada Burco oo lagu caleemo-saaray mid ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer, waxa uu bulshada ugu baaqay inay kala xukumaan isla markaana garsoor ka noqdaan eedaha mucaaradku u jeediyaan xukuumaddooda iyo wax-qabadka ay bulshada u qabtaan.
“Waxa ii muuqata inay siyaasaddii noqotay in dadka la caayo, waxaad arkaysaa xisbi dhan oo qorshaha uu la yimi ay tahay inuu madaxda qaranka caayo. Waxaad aragteen rag siyaasiyiin ah oo isla soo taagaya madaxweynuhu dalka ma xukumo, madaxweynuhu ma caafimaad-qabo. Haseyeeshee, waxaanu ka digaynaa oo bulshada u soo bandhigay, dadka halaga daayo qabyaaladda iyo kala-qaybinta ay adeegsanayaan mucaaradka kuwa sheegaya, kuwa kuraasta u haliilaya waxaan leeyahay, Illaahaybaa kursiga bixiya oo samaduu ka qoran yahay, kii Illaahay u qorayna wuu helayaa maalintiisa, waxaan leenahay waar sug maalintaada oo la kaalay farsamo aad nagaga qaaddo, cidina xoog nagaga qaadi mayso,” Sidaas ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Cidda wax kala xukumaysaa waa bulshada, waxaan leeyahay bulshada, waxay nagu caayaan inay yidhaadaan waa tuug, waa musuq-maasuq, waa qabyaalad, isagaana (Mucaarad) intii nagu sheegayana wada, markaa waxan leeyahay, waar haddaanu wadno bulshooy noo sheega, hadday iyagu wadaanna, bulshooy u sheega oo u badheedha yaan caqligiina la caayin.”
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment