Friday, June 19, 2015

Siyaasiga Barkhad Jaamac Xirsi Oo Ka Hadley Xadhig Lagula Kacay

Hargeysa (Himilomedia)-Lataliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee dhinaca Bulshada la hayb sooco, haddana ah sarkaal sare oo Waddani ka tirsan, ayaa si kooban uga hadlay xadhig ciidanka amaanku kula kacay xalay, balse Jimcihii maanta uu xorriyaddiisa dib u helay. Waxa uu sheegay in xadhigiisu ahaa mid sharciga baalmarsan, inkasta oo uu tilmaamay inaanu Soonkiisa dartii u sheegayn waxyaabaha ku gadaannaa xadhigiisa.

“Cid kasta oo kaalin ku laheyd sii deyntayda waan uga mahadcelinayaa aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. hadda ayaa la i soo daayey, xadhigii xalay ee la igu xidhay bilaa sababta, anigoo markaas uun ka soo baxay masjidka sheekh Dirrir taraawixdii, markii hadda la i soo daynayey ayaan waydiiyey maxaad igu soo xidheen? waxa la igu yidhi waa amar xagga sare ka yimid! fal danbiyeed faraha kulamaan jirin, cid cirdigeed waxba uma dhimin, balaayo maan falin haddana garan maayo ula jeedka waa ramadaan afkaygaan haysan balse qoraal kooban ayaan idiinku soo tabin siday wax u dhaceen Somaliland guul iyo gobonimo waarta Gobey liico ha jabin” ayuu Barkhad Jaamac Xirsi Batuun ku yidhi qoraalkaas kooban oo uu ku baahiyay boggiisa facebook kadib markii uu xorriyaddisa dib u helay.

Booliska ayaa xidhay Siyaasi Barkhad habeenkii xalay, iyadoo la filayo in lala xidhiidhiyay dhalinyaro xalay isku laayay xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo saraakiil sare oo xisbigiisa ka tirsan ayaa saldhiga ku booqday Barkhad Jimcaha maanta, iyadoo kadibna la soo daayay.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment