Bismilahaahi raxmaani raxiim ramadaan kariim dhamaan umada islaamka ah gaar ahaan dadka reer Somaliland meel walboo aad aduunyada ka joogtaan, waxaan idiin rajaynayaa midnimo wada jir iyo wanaag badan.
Waxaan ku guda jirnay barnaamijkii la magac baxay halbeega cabirka xukuumada madaxweyne siilaanyo shan sano ka dib markii la doortay, hadaba ka dib curashadii Xukuumada madaxweyne siilaanyo sida aynu la wada socono waxaa rumoobay riyooyin badan, dalkuna wuxuu galay isbedel, hadaba 100-kii cisho ee ugu horeeyey xukuumada axmed siilaanyo waxaa kamida guulaha ay gaadhay dhismaha biriishka labaad ee hargeysa oo taariikhda markii ugu horaysay xukuumadu dhistay, qurxinta iyo dib u habaynta Qasriga Madaxtooyada JSL oo lagu sameeyey dib u habayn balaadhan islamarkaana yeelatay bilic iyo qurux aad u balaadh oo aanay hore u lahayn, file:///C:/Users/Ilyaas_/Downloads/download.jpgiyadoo uu taasna amaanteeda iyo hanbalyadeeda uu leeyahay Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Sidoo kale Xukuumada Somaliland waxay boqolkii maalmood ee ugu horeeyey ku dhawaaqday inay bilaash ka dhigtay dhamaan dugsiyada hoose iyo dhexe ee dawlada islamarkaana ardaydu bilaash ku dhigan karaan, arnintaasi waxaa u riyaaqay dad badan oo reer Somaliland islamarkaana dhibaato ka haysatay bixinta lacagaha bilaha ee laga qaado ardayda maadaama dadkeenu u badan yihiin dad aan dhaqaale badan haysan, waxaana ay suura gelisay in kumanaan arday oo laga baqan jiray iskuulada iyo goobaha waxbarashada lacag la,aan awgeed la keeno oo lagu soo daro halkaasna ay kor u qaadan to tayadii waxbarashada.
Waa Hubaal in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay la yimaadeen qorshe siyaasad balaadhan oo horumarineed, dadka reer Somaliland waxay noqdeen kuwa dalkooda aamimay markay arkeen in dalwad wanagsan u dhalatay oo ay galeen isbedelkii ay u baahnaayeen , Xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisu waxay bogg bogg u raaceen buugii balan qaadka ee wakhtigii ololaha doorashada una fuliyeeen sidii loo baahnaa…………………………losoco qeybta 3aad .
FG: Dalkayga Dadkayga Somaliland ul iyo diirkeed.
W/Q: Cali Xasan
Ceerigaabo/Somaliland
Calixasan806@gmail.com
No comments:
Post a Comment