Sunday, June 28, 2015

Wararkii u dambeeyey Ciidamo ka Goostay Puntland iyo Xiisad ka taagan diyaar-garowga Weerar Maamulkaasi ku qaadayo

Garowe, 28 June, 2015 (Himilo)- Xaalad adag oo dhaqaale-darro ayaa soo waajahday Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo awoodi waayey inuu bixiyo mushaharka Ciidamadiisa oo bishii Afraad ugu dhammaatay mushahar la’aan, waxaana arrintaas ka dhashaya inay gadoodaan qaar ka tirsan ciidamada oo ka goostay Ciidanka maamulkaas.
Taliye xigeenkii ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse iyo ciidan uu watay ayaa ka goostay maamul goboleedka Puntland, waxaanay saldhig ka dhigteen magaaladda Ayl ee xarunta u ahaan jirtay kooxaha budhcad badeedda.
Tallaabadan ayaa dhalisay amar maamul-goboleedka Puntland ku bixiyey in lala dagaalamo ciidanka uu la goostay Taliye Muxiyadiin, waxaanay jawaabtaasi wer-wer dhinaca ammaanka ah ku dhalishay bulshada ku dhaqan maamul goboleedkaas oo ka mid ah meelaha ugu nabadda badan dalkaasi Soomaaliya, waxaanay cabsi ka qabaan in dagaal hor lihi ka dillaaco deegaankooda.
Taliyahan ka goostay maamulka Garoowe oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay xaasaskiisii iyo kuwa saraakiisha la socota ee ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedkaas.
“Ciidamada aan hoggaaminayo ee gadooday waa dhowr boqol oo askari, waxaana markii aan ka baxnay Garoowe dhibaatooyin kala duwan loo geystay xaasaskayagiii, arrinta aan u gadoodnayna muddo ayaa laga wada-hadlayay heshiisna waa laga gaadhi waayay,” ayuu yidhi taliye ku xigeenka booliiska Puntland.
Mar la weydiiyey sababta keentay gadoodka ciidamadu ka goosteen ciidaanka maamulkaas, waxa uu ku jawaabay, “Sababta aan u gadoodnay waa Xuquuq la’aan, waayo ciidammadan wax mushahar ah may qaadan muddo dheer, ciidamada qaarkoodna xuquuqdooda way helaan, marka taas ayaa keentay inaan gadoodno.”
Dhinaca kale, wararkii u dambeeyey ee ka soo baxay deegaannada maamul-goboleedka Puntland, ayaa la soo weriyey diyaar-garow maamul-gobolkaasi ugu jiro sidii uu u wajahi lahaa ciidanka ka goostay, iyadoo la sheegay in la daad-gureeyey Ciidamo tiro badan oo difaac kaga jiray aagagga buuraha Gal-gala oo ay ku sugan yihiin malleeshiyaad Al-Shabaab ah.
Arrimaha sababa gadoodka ciidamada, ayaan ahayn hab-dhaqanno ku cusub Maamul-goboleedka Puntland, waxaana tiraba dhowr jeer oo hore sidan oo kale u gadooday askar ka tirsan ciidamada maamulkaas oo ka gadooday mushahar la’aan dhowr bilood ah oo soo food-saartay maamulladii ka horeeyey madaxweyne Cabdiweli Gaas.

No comments:

Post a Comment