Hargeysa, 27 June, 2015 (Himilo)- Munaasibad loogu dabbaal-degayo Xuska 26-June 1960kii oo beegan maalintii Somaliland xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska, ayaa Jimcihii shalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo Salaan Sharafeed Ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciimada Qaranka Somaliland, ayaa Calanka Somaliland sudhay birta goobta lagu qabtay munaasibadda.
“Waxaa farxad weyn maanta (shalay) Inoo ah In aynu u dabbaal degno muddadii ka soo wareegtey markii aynu Xoriyadeena ka qaadanay dalka Ingiriiska oo laga jooga 55 Sano oo Ku Beegan 26 June 1960,” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey dareenkiisa maalintan.
Madaxweynaha oo ka hadlayey xaaladda dalka ee wakhtigan iyo halgankii loo soo maray xornimada dalka, waxa uu yidhi, “Dalkeenu waa dal aad iyo aad u soo halgamey, waa dal ay dadkiisu madaxbaanidiisa u soo halgameen, waynu qaldaney waxyaabo badan oo aynu sameynay wey jiraan laakiin maanta weynu ka soo kabaney xorriyadeeni iyo dadnimadeeni ayeynu heysanaa, caalamkuna waa uu inala macaalimaa, waxa aynu u baahano weynu qabsan karnaa, insha Alleh waxeynu rajeyneynaa in aynu caalamka ictiraaf buuxa ka helno, waana aanu ku dadaali doonaa , waxaanan hanbalyo u dirayaa ciidamada qaranka iyo shacabka Somaliland meel kasta oo ay jooganba.”
Waxa kale oo iyaguna madasha ka hadlay Xaaji Cabdi Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda maalintani ugu fadhido qaranimada Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment