Tuesday, June 30, 2015

Loolanka Yuhuuddu Kula Jirto Adduunka

Qormooyin taxane ah oo si xeel dheer uga waramaya Yuhuudu siday ugu foogan tahay dadyawga adduunka iyo siday ugu dedaasho inay maskaxda ka qabsadaan dawladaha iyo bulshooyinka caalamka. Waxa turjumay oo isku soo habeeyey Cabdilahi Beershiya. C.persia@hotmail.com

Qaybtii 2aad
Waxa kale oo u Qur’aanku ka waramaa sifooyinka iyo calaamada ay ku caan baxeen oo dhammaantood ah sifooyin qallafsan oo danaysi iyo damac badan ka muuqdo, haddii aynu tusaale soo qaadano waa ummada keliya ee Illaahay sammada uga soo dejiyey hillib shiillan oo noociisa oo kale aan adduunka lagu arag, markay muddo cuneen ee ay ka dhergeena nacay hadiyadaa Illaahay siiyey iyaga oo ka doortay in loo ogolaado inay beertaan khudrada kulul ee cuntada lagu iidaamo dadkuna urteeda neceb yahay sida Toonta iyo Basasha…Lasoco.
Madax adaygaasi wuxuu ku sababay in qaar ka mid Illaahay u bedelo muuqaalkooda Daayeer iyo Doofaaro, haddaba akhriste maanta waqtigan aynu nool nahay waxa Yuhuuda loo yaqaanaa inay yihiin dadka dhaqaalaha iyo siyaasada adduunka gacanta ku haya, sidaa darteed ayey isteerinka u hayaan dawladaha waaweyn oo dalka Maraykanku ka mid yahay.
Waxay buburiyaan oo dhulka la simaan cid kasta oo ay u arkaan inay madaxa la soo kacayso, waxay samasyteen ururo iyo hay’addo waaweyn oo xubnaha ku jiraa tiro beeleen, waxay leeyihiin golayaal waaweyn oo xambaarsan magacyo kale oo aan iyaga laga dareemayn, tusaale ahaan gobolka Daarfuur ee dalka Sudan ayaa waxa ka hawl gala siday qoreen qaar ka mid wargeysyada caalamku hay’addo Yuhuudu leedahay oo tiradoodu gaadhayso siddeetan hay’addood oo magacyo kala duwan sita, qaar ka mid ahna qarsoon yihiin oo aan la ogayn waxay qabtaan.
Arrintu maaha wax sahlan waxa laga hadlayaa gobol keliya oo dal ka tirsan ayey joogaan tirada intaa le’eg, maxaad qiyaasan kartaa dawlada kale ee ka kooban gobolo badan oo kala duwan, hay’ado intee leeg ayaa joogi kara?.
Haddaba maqaaladan waxaynu ku eegi doonaa khatarahaa ay huwan yihiin iyo siday meel kasta u dhex galeen, meelaha aan ka soo qaadanayna waxay u badnaan doonaan buuggaag laga qoray iyo maqaalo furan oo adduunka caan ka noqday magacyadoodana aynu xagga danbe ee maqaaladan ku sheegi doono haddii Alle Idmo.
Haddii aynu ka nimaadno hordhacan kooban waxaynu qaybaha kale ku eegaynaa Yuhuuda iyo siday awooda u saaraan sirdoonka ama inay ogaadaan dadka kale ee aan iyaga ahayn awoodohooga siyaasadeed, dhaqaale iyo diimmeed, si ay taas u gaadhaan ayey samaysteen laamo iyo hay’addo awood badan oo dhexgal baaxad leh ku sameeya dawladaha iyo bulshooyinka.
Taariikhdii hore marka dib loogu noqdo dadka Kiristaanka ah waxay Yuhuuda ku tilmaamaan inay iyagu basaaseen Nebi Ciise (CS) markay doonayeen kooxihii isa soo abaabulay inay ka takhalusaan, waxay sheegeen in ninkii lacagta ku bedeshay warbixintii uu Nebi Ciise CS ka hayey u ahaa nin Yuhuudi ah oo lagu magacaabi jirey Yuhuuda SKharuedi…..Lasoco.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment