Hargeysa, 24 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Warfaafinta, Waci-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay wehelinyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Marwo Shukri Ismaaciil Xariir, Agaasimaha guud Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-Case) iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan, ayaa Cusbitaal ku yaala magaaladda Hargeysa ku booqday Sheekh Cabdilaahi Diiriye (Sooraan) oo in muddo xaalad caafimaad-darro u jiifay cusbitaalka.

Masuuliyiintan Wasaaradda Waraafinta ka tirsan ee uu hogaaminaayey Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa ay u kuur-galeen xaaladda guud ee uu ku sugan yahay Sheekh Sooraan oo hore uga mid ahaan jiray haldoorkii salka u dhigay Bahda Fanka Somalililand iyo Somaliyeedba, isla markaana ka tirsanaan jiray Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda, balse mudo hore iskaga baxay fanka kuna biiray Culimadda diinta, waxaanu mudooyinkii u dambeeyey u liitay Xanuunka Faaliga oo asiibay.
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlayey Cusbitaalka ay ku booqdeen Sheekh Sooraan, waxa uu yidhi “Sooraan waa abwaan weyn waa Fanaan imikana waa sheikh waxa uu ka mid yahay Culimada waa weyn ilaahayna waxaanu uga baryeynaa in uu ka dulqaado Xanuunkaasi ku yimid halyeygeenaasi magaca bulshadda ku dhex lahaa in uu caafimaadkiisii u soo celiyo , waxaanu leenahay Ilaahayoow Caafimaadkiisii u soo celi oo waxaanu baryeynaa Illaaheena Macbuudkeena weyn ka baryeynaa in Abwaankeena weyn iyo inta kale ee Jilicsanba fadliga bisha ramadaan in uu Caafimaadkooda u soo celiyo.”
Sidoo kale, masuuliyiinta kale Warfaafinta, ayaa xusay doorkii uu ka soo qaatay horumarinta fanka iyo Masraxiyadda, waxaanay Eebbe ugu duceeyeen Sheekh Sooraan in Eebbe xannuunka dul-qaado, caafimaad sarreecan ahna ugu beddelo.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment