Thursday, June 25, 2015

Madaxwayne Ku Xigeenkii Burundi Oo Ka Baxsaday Waddankiisa.

London (Himilo) 25June 25, 2015- Madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa u cararay Belgium. Gervais Rufyikiri ayaa sheegay inuu noloshiisu u baqay kaddib markii shaqsiyan loo hanjabay.
Rufykiri ayaa ka hadlay fakarkiisa uu kaga horjeedo ololaha madaxweyne Nkurunziza uu mar saddexaad ku doonayo inuu xafiiska ku qabto.
Afhayeen u hadlay madaxweynaha Burundi ayaa sheegay in Rufyikiri aan loo hanjabin, uuna sharaxay oo kaliya fakarkiisa.
Xiisadda ayaa kacsan Burundi kaddib todobaadyo dibadbaxyo rabshado watay oo looga horjeeday dib u doorashada uu madaxweynaha doonayo. Doorashada Ayaa La Filayaa In La Qabto Bisha Dambe,Madaxwaynaha Talada Hayaana Waxaa Uu U taaganyahay Doorashada Markii Saddexaad.

Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment