Hargeysa, 23 June, 2015 (Himilo)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa.
Madaxweyne ku xigeenka oo ay wehelinayeen Xubno Wasiiro iyo xildhibaano waxa uu kormeerkiisa ku maray Dhismaha cusub ee qaybta Business Class-ka ee Madaarka cigaal oo dhawaan la hirgaliyey iyo dhismaha qaybta Terminalka laga dhoofo oo isbeddel balaadhan lagu samaayey.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa intii uu ku guda-jiray kormeerkiisa, waxa qayb kasta oo kormeeray warbixin ka siiyey Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi, waxaanay markii dambe si wada-jir ah ula hadleen saxaafadda.
“Aad ayuu u mahad sanyahay Wasiirku, waxaa meesha ka muuqda dadaal badan oo la sameeyey muddadaa koobnayad ee shanta sano ah, waxa la yidhi ‘wixii indhuhu arkayaan ayaa ilkuhu gooyaan’, meeshaa sidii ay ahayd iyo wixii loogu yimi waa la ogaa, isbeddelka intaa le’egna runtii wax la qarin karo maaha. Dadaal faro badan oo Xukuumadda iyo Wasiirku sameeyeen ayaa keentay runtii, aad ayaan ugu hanbalyeeynayaa Wasiirka, shaqada faraha badan ee aanu ka daalayn ee uu ka gaadhay Terminalka laga dhoofo ee Madaarkii Hargaysa oo cidhiidhi faro badani jiri jiray in uu mar qudha Kun Qof qaado ayuu awoodaa oo adeegyadaa quruxda badan ee maanta fadhiyadii leh, Suuliyadii leh, aad iyo aad ayaan maanta ugu hanbalyeeynayaa Wasiirka,” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne ku-xigeenka oo saxaafadda la hadlayey kormeerkiisa kaddib.
Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waa siyaasaddii Xukuumadda ee ahayd in loo fududeeyo bulshada adeegyo sahal, taasina waata keentay maanta in diyaaradihii Calamiga ahaa inoo yimaadaan, runtii Saddex, afar Diyaaradood oo Caalami ahi inoo yimaadaan, ta ay dadka u fududaynaysaa waa socdaalkii oo ay helaan kala duwanaasho badan, waa guul dhammaan Wadanka Somaliland u soo hoyatay.”
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi “Runtii waa dhab in horumar weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka xaqiijisay madaarada, maaha oo kaliya, horumarkaasi meelaha uu ka qabsoomay Garoomada ee wadooyinka ayaa ka mida, dhismayaal fara badana waa la dhisay, adeegyada bulshada ayaa kor loo qaaday, marka intaas laga tago, ammaan aan anigu qof ahaan gaar u leeyahay ma jirto, runtii libtani waa mid qaranka uu leeyahay, wixii wanaag sanaadayna Umadda Somaliland oo dhan ayaa ku faanaysa. Marka labaadna waa lib Xukuumaddani ay leedahay, Hogaamiyeyaasheeda, Gadhwadeenkeeda iyo madaxweyne ku xigeenkeedaba himilooyinkoodii ayaanu xaqiijisay, waana waxaanu bulshada u ballan-qaadnay.”
Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka markhaati kacay wax-qabadka wasaaradda Duulista Hawada, waxaanu yidhi, “Horta Wasaaradda Duulistu waa Wasaarad hadh iyo habeenba shaqaysa, Wasaaradaha qaar ayaa laga rawaxaa labada Duhurnimo, markaa adeegga joogtada ah Wasaaradda qabata ee hadh iyo habeenba shaqaysaa, way ka hawal badan tahay Wasaaradaha kale, wax qabadka Wasaaradduna runtii maaha Madaarka Hargaysa uun ee Madaarka Berberina Madaarkan wuu ka heer sareeyaa, wuu ka balaadhan yahay, Madaarkii Burco shaqo badan ayaa ka socota, kii Boorame shaqaa laga bilaabayaa.”
“Runtii wixii Madaxweynuhu ku talo bixiyey Wasiir Maxamuud Xaashi wuu ka soo baxay, annagana Magac iyo sharaf ayaa noogu jirta oo kaligii maaha dee isku Xukuumad iyo isku Dawlad ayaanu nahay, aad ayaanu ugu tahniyadaynaynaa Ilaahayna ha ka abaal-mariyo,” ayuu yidhi Md. Bashiir Cabdi Xariir.
Wasiirka Dib-u-dajinta Somaliland Axmed Cabdi Saciid oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Aad baan ugu mahad naqayaa Wasiir Maxamuud Xaashi in badan ayuu u soo guuxayey oo uu xildhibaan ahaa oo uu doonayey in la dhiso dalkan, maanta isagaa ku guulaystay inuu Madaarkii dhiso, waligiina sidaas ayuu horumar u jeclaa, anigu bilad kaliya maahee Billado ayaan siiyey.”
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Taliyaha Laanta Socdaalka Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Farxad weyn ayey ii tahay in aan ku faani karo, Laanta Socdaalka iyo wax qabadkeeda, oo uu aabo u yahay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawaddu, oo aanu Wasaaradiisa ku dhex jirno goob kasta Madaarka Hargaysa, Madaarka Berbera oo ah meelaha Adduunku inaga soo galo, waxa uu noo sameeyay Wasiirku oo aanan marka hore awood ulahayn, laymankaa aad galaysaan, habaynta dadka iyo kala horayanta sida sharcigu yahay,” ayuu yidhi Taliyuhu.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Cabdi Daahir Camuud, waxaanu yidhi, “Wasiirka Duulistu dadaal badan ayuu ka samaayey madaarka, waxa la yidhi in qof karo ayuu Qaran ka dhintaa, Maxamuud Xaashi waxaanu leenahay bilad dahab ah ayaad leedahay,” ayuu yidhi Wasiir Camuud.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment