Illaahay SW wax kasta oo uu abuuray iyo Sharci ama Cibaado kasta oo uu jideeyey wuxuu ka leeyahay xikmad iyo ujeedooyin qiima badan oo uu uga jeedo, xikmadahaas aan inagu garano ama aan ka jaahil noqonee waxa waajib ah in aan Illaahay ku adeecno, haddaba Soonka bal wixii xikmado ah ama faa’iidooyin ah ee aan ka garano aan is dul taagno:
Xikmadaha Soonka waxa ka mid ah:
1. Inuu yahay Cibaado u dhaxaysa Illaahay iyo addoonka, addoonkuna sidaa ku fulinayo maadaama Illaahay amray, marka uu fuliyona wuxuu ku helayaa abaal marin fiican.
2. Soonku wuxuu sabab u yahay in addoonku Illaahay ka cabsado, iimaanka iyo cabsida Illaahayna kor ayuu u qaadaa Soonku, waana mid ka mid ah xikmadaha Illaahay u waajib yeelay, sidii aan hore u sheegnay.
3. In addoonku ka garaabo ama aqoonsado nicmooyinka faraha badan ee Illaahay ku galadaystay sida Cuntada, Cabista, gudashada Shahwada, oo marka uu iska daayo uu garan karo haddii uu waayo, in uu sidan oo kale u dhib mudanayo. Taasina waxa ka dhalanaya inuu shukriyo, sidii illaahayba u yidhi:
4. Soonka waxa ku jira in Qofku Naftiisa ka adkaado oo uu u diido waxyaalo aanay ka maarmi Karin, isagoo ku tababbaranaya inuu waxa naftu doonayso ka joojiyo, ee aanay iyadu mar kastaba hogaamin, taas oo keenaysa inuu ka horjoogsan karo Xaaraanta ay doonayso inay ku dhacdo.
5. Waxa ku jira Soonka in la cidhiidhiyo waddooyinka shaydaanku jidhka ku leeyahay, Waayo Shaydaanku wuxuu jidhka bani’aadamka ka maraa meelaha dhiigu maro iyo curuuqaha.
6. Waxa ku jira Soonka in Qofku u naxariisto walaalihiisa kale gaar ahaan masaakiinta, taasoo uu dareemi karo dhibta gaajadu leedahay.
7. Soonka waxa ku jira faa’iidooyin dhinaca caafimaadka ah, taas oo dhakhaatiirtu cadeeyeen.
8. Faa’iidooyinka Soonka waxa ka mid ah in Qofka ay u sahlanaato inuu cibaadooyin badan samayn karo, waayo wuxuu naftiisa ku layliyey Cibaado aad u culus oo Soonka ah, wixii kalena way u fududaanayaan.
9. Waxa lagu bartaa Soonka Samirka iyo Dulqaadka
10. Soonku waa fursad lagu joojin karo dhamaan caadooyinka xunxun iyo balwadaha.
Tiirarka Soonka (Arkaanta)
Tiirarka Soonku waa laba: (1) Niyad lala yimaado, (2) In laga joogsado waxyaalaha lagu afuro (Af-haysasho)
1. Niyada Soonka
Niyadu waa in qalbiga lagala yimaado sidii Nebigu NNKHA uu yidhi:
"Camaladu waxay ku sugnaadaan Niyada, Qof kastaana wuxuu leeyahay wixii uu niyoodo".
Faa'iidada Xadiiska
1. In Camal kastaa oo Cibaado ahi u baahan yahay Niyo
2. In aanu ansaxayn Camal aan niyo lahayn
3. In Camalku noqonayo hadba Niyada Qofku sida ay tahay ee uu uga jeedo.
4. In Qofku wax aanu Niyoon aan loo qorayn Cibaado iyo Macaamilo midna.
Waxa lagama maarmaan ah in Niyada Soonka la helo inta ka horreysa waaga dilaaciisa, Qofku haddii aanu niyoon inuu Berri soomo, Soon uma jirayo, Cullimaduna waxay yidhaahdeen waa inuu Habeen kasta niyoodo inuu soomayo, Cullimada qaar baa yidhi Bisha oo dhan hal mar buu niyoon karaa, laakiin maadaama Soonku aanu xidhiidh ahayn ee afuro soo dhex galayso, waa inuu Qofku Habeen kasta niyeeyo, Habeenkii waqtiga uu doono ayey noqon kartaa, haddii uu suxuurto waxa loo tixgelinayaa inuu niyo ka tarjumayo, loomana baahna inuu niyada ku dhawaaqo oo afka ka yidhaahdo. Nebigana NNKHA kama sugna wax Niyo ah oo uu afka kaga dhawaaqay oo aan ahayn xidhashada xajka, isagana dalliil gaar ah ayaa sidaa tusiyey.
Kaasi waa Soonka Faralka ah, laakiin Soonku haddii uu yahay mid sunne ah, waxa banaan in Qofku Niyada xidhan karo Maalinta dhexdeeda inta ka horraysa Duhurka, sidaa waxa tusiyey Xadiis Nebiga NNKHA Caa'isha ay ka sheegtay:
"Waxa Maalin ii soo galay Nebiga NNKHA wuxuu yidhi waxa la cuno ma la hayaa, waxaan ku idhi may, wuxuu yidhi haddaa waan soomanahay".
Faa'iidada Xadiiska:
1. In Soonka Sunaha ah Niyadiisa dib loo dhigi karo.
2. In la ishaafalatayn karo Soonka sunaha ah.
3. In mararka qaarkood Guryaha Nebiga NNKHA laga waayi jirey wax la cuno.
4. Sida Nebiga NNKHA aanu Adduunka iyo dhalaalkiisa uga saahidey.
2. In laga fogaado waxyaalaha lagu afuro
Tiirka labaad waa inuu Qofka soomani Af haysto oo ka fogaado waxyaalaha lagu afuro, si Soonkiisii u badbaado, wuxuuna ka fogaanayaa ilaa inta Maalintu joogto ee Qorraxdu soo jeedo, siidii Illaahayba yidhi: ilaa Habeenku dumo". "Soonka Dhamays tira.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment