Wednesday, June 24, 2015

151 Qoysas Danyar ah oo Raashin lagu guddoonsiiyey Wejiga koowaad ee Barnaamijka LA-AFUR WADDANI oo Xisbigu bilaabay bisha Ramadaan

Hargeysa, 24 June, 2015 (Himilo)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa bilaabay barnaamij loo magac-daray LA’ AFUR WADDANI oo loogu talo-gashay bisha barakeysan ee Ramadaan in lagu taakuleeyo qoyaska danyarta ah, waxaana shalay magaalada Hargeysa lagu guddoonsiiyey qoysaskii ugu horeeyey oo tiradoodu gaadhayso 151 qoys
deeeeDeeqdan raashinka ah oo ka koobnayd Daqiiq, Timir iyo Saliid, ayaa qoysaska la guddoonsiiyey ay kala yimaadeen xaafadaha danyarta ah ee Sheekh Nuur, Daami, Cakaara iyo Isteet Howska (State House) ee magaalada Hargeysa, waxaana bixintii deeqdan oo shalay subax lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ka qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Hoggaanka, Guddida Fulinta, Garabka Haweenka, Dhalinyarada iyo sida oo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Waddani.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Waddani Md. Mustafe Qodax oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in iyaga oo xisbi mucaarad ah ay danyarta ku caawiyaan raashinkan bisha Ramadaan awgeed.
"Iyada oo aynu ku jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan, ayaa saaka (shalay subax) waxaa aynu halkan u joognaa iyada oo goobta ay ku sugan yihiin saraakiishii ugu sar-sareysay Xisbiga Waddani in aynu walaalaheena danyarta ah, weliba kuwa jooga caasimadda Hargeysa aynu deeq yar oo raashin oo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee dibaddu ay u soo garteen in ay walaalahooda baahan ay barnaamijka la yidhaahdo ‘La Afur Waddani’ ay ku caawiyaan oo ay xoogaa deeq ah ku gaadhsiiyaan, runtii waanu arkaynaa in waxa aanu meesha soo dhignay ay aad iyo aad u yar yihiin, laakiin waxaa noo farxad ah in aan annaga oo Xisbi mucaarad ah aanan waxba ka hagran dadkayaga,” Sidaas ayuu yidhi Mustafe Qodax.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey deeqdan, ayaa yidhi, "Sida aad ka wada warqabtaan, waxaan ku jirnaa bishii barakeysnayd ee Ramadaan, waxaana sunaheena iyo dhaqanka wanaagsanba ka mid ah in la isu naxariisto bisha Ramadaan haddii Alleh ka dhigo, waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqaynaa taageerayaasha Qurbaha jooga ee Xisbiga Waddani oo ka fekeray in ay aas-aasaan barnaamijkan la yidhaahdo "LA AFUR WADDANI", oo ay ugu talo galeen walaalaheena danyarta ah ee reer Somaliland intii ay gaadhi karayaan ee awooddoodu saamaxdo in la siiyo afur kooban inta ay Ramadaantu socoto, waxaana barnaamijkan LA' AFUR WADDANI oo uu fikirkiisa lahaa walaalkeen Anwar iyo dhammaanba hablo, dhalinyaro iyo odeyaal iyo intii kale ee la qaatay aad ayaan ugu mahad-naqaynaa.”
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa Muxsiniintii deeqdan soo bixiyey uga mahad-celiyey caawimada ay soo caawiyeen walaalahooda danyarta ah, waxaana uu sida oo kale soo jeediyey in barnaamijkani u furan yahay cid kasta oo diyaar u ah in ay ka qeyb-qaadato waxii khayr ah. “Waxaana barnaamijkaas ay qolada qurbaha joogtaa u soo wakiisheen Layla oo hadda ila joogta, wixii na soo gaadhayna waxaanu ku go'aansanay in aan inta ugu yar ee suurtagalka ah ay nagula afuraan inta ugu danyarta ah, waxaana magaalada Hargeysa aanu 151 qoys aanu ka soo xulnay oo bilow ah, Xaafadda Daami, Xaafada Sheekh Nuur, Xaafadda Cakaara iyo Xaafadda State House-ka. Hargeysa intaas waa ay ka ballaadhan tahay oo waa aynu ognahay, dadka baahana intaa waa ay ka badan yihiin, laakiin waxaan isleeyahay bilow wanaagsan weeyaan, qof kasta oo qurbaha jooga barnaamijkaasi waa uu u furan yahay, dhammaanba gobalada barnaamijkaas waanu gaadhsiinaynaa sida ugu dhakhsaha badan, waana ay qorsheysan yihiin iyo qoysaskii loo geyn laha dadkaa aadka u danyarta ah ee munaasibka ku ah, ciddii aan taageerayaasha Waddani ahayn iyada lafteedu ka qeyb galaysana waan ku soo dhaweynaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha garabka haweenka Xisbiga Waddani ee magaalada Bristol Layla Muuse Yuusuf (Qulumbe), sida oo kalena ay jaaliyadda qurba-joogta ah ee taageerayaasha Waddani u soo wakiisheen deeqdan oo iyaduna halkaas ka hadashay, waxaana ay tidhi, "Aniga oo ka wakiil ah dadkii Muxsiniinta ahaa ee taageerayaasha Waddani, waxaan halkan ugu duceynayaa dadkaas Muxsiniinta ah oo ka soo qeyb-qaatay sadaqadan ama raashinkan la siinayo dadkooda baahan ee aadka u jilicsan kana midka yihiin dadka curyaamiinta ah, Illaahay ayuunbaa dadka wax-gaadhsiiya e' intii awoodayada ah waanu isku daynay in aanu gaadhsiino laakiin intii karaankyaga ah waanu gaadhsiinaynaa, waddanka oo dhanna waanu gaadhsiinaynaa iyada oo maanta laga bilaabay Hargeysa.Waxaana aan Illaahay ka baryeyaa in uu dadkaas sadaqada la soo baxay uu Illaahay halkii ay soo saareen ugu beddelo ajar iyo xasanaad iyo waxsan Insha Allah.”
Mid ka mid ah dadkii halkaas deeqda raashinka ah lagu caawiyey oo goobta ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey deeqdan uu Xisbiga Waddani ku caawiyey dadka danyarta ah, waxaana uu Illaahay uga baryey in uu u rumeeyo himillada iyo hadafka ay leeyihiin, waxaana uu yidhi, "Aad ayaan ugu faraxsanahay in Xisbiga Waddani uu deeqdan na soo gaadhsiiyo, waxaanan leeyahay Illaahay ha idin siiyo rejada aad doonaysaana Saa'imiinta afuraysa ee xoogiini iyo tamartiiniiba ku afuraysa Illaahay dareenkooda ha idiin rumeeyo, hamigeena fog iyo ka dhowna Alleh ha inna wada gaadhsiiyo, aad ayaad u mahadsantihiin.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment