Tuesday, June 30, 2015

Gudoomiye Muuse Biixi Oo Xisbiyada Mucaaridka Eedeeyay.

Hargeysa (Himilo)30 June 30, 2015-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Mucaaridka Ku eedeeyay Inay Ka Gaabiyeen in Golaha Guurtida Lagu Qanciyo Sidii Doorashooyinka loo Qaban Lahaa 2016ka Meeshana Laga Saaro Mudo Kordhinta 2 Sano Ee Ay Guurtidu Ku Dareen Mudo Xileedka Xukuumada.

Gudoomiye Muuse Oo Ka hadlay shirjaraaid oo ay si wada jira u qabteen xukuumada iyo xisbiga kulmiye Iyagoo Shirkaa Jaraaidna Uu Daaranaa Sidii Golaha Guurtida Loogu Qancin Lahaa Heshiiska Xisbiyada Qaranka.Muuse Biixi Waxaa uu sheegay in guurtidu ay Kasoo Horjeedo Heshiiska Xisbiyada “Waa la isku yimid, guurtidu halkii bay nagaga xanaaqday oo waxay yidhaahdeen anagu go’aan sharci ah baanu gaadhnay, markii horena waydinkii heshiin waayay ee qoladiinan xisbiyadow dalka ha wareerinina, sidii baanay ku maqan yihiin”.



Waxa uu intaasi Ku Daray “Hadda waxaanu ugu taag la nahay xisbiyada Mucaaradka ah, waar wixii aynu doonaynay ilayn inagaa danta lehe ina keena oo odayaasha wada qancinee, hal khalad ah bay umadda ka dhaadhiciyaan oo ah Madaxweynuhu ha saxeexo, Madaxweynuhu muxuu u saxeexayaa?,Madaxweynaha, Kulmiye, Waddani iyo Ucid way u siman yihiin arrintan, anigaa doonayna doorasho, guurtiduna markii ay qabasho lahayd inagaa sii daynay, maantana waxaa la inaga rabaa inaan guurtida nidhaa arrintaas dib noola qaata” Ayuu Yidhi Gudoomiye Muuse Biixi.



Guddoomiyaha Muse Oo Ka Jawaabayay Su’aal Ahayd In Mudo Kordhintu Dastuurka Jabinayso Waxaa Uu Ku Jawaabay “Dastuurka jabin mayso ee waa codsi. Adeer waxyi maaha waxa waxa la yidhaahdaaye waxaanu is tusaynaa wixii aad gaadheen dan ka dhaw haddaanu helnay oo si qancinay shariciga idinkaa lehe nala qaata ayaanu idin leenahay, codsi iyo waxaanu idiinla imanaynaa talo laakiin, xaggayagii bay ka qabyo tahay oo nimankii mucaaradka ahaa waxay nala soo taagan yihiin caalamka ayaanu u yeedhaynaa, caalamku halkan kama taliyo ee wuu ina caawiyaa, qodobka labaad maxakamad hala geeyo ma guurtidaynu maxakamad gaynaa?”

Xisbiyada Qaranka iyo xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo Ayaa Maalmihii Ugu Dambeeyay Khilaaf Xoogani Dhexyiil,Iyadoo Mucaaridku Ku Doodayaan In Xukuumadu Mudo Kordhinta Dabadda Ka Wado,Xukuumaduna Xisbiyada Mucaaridka Ah Ku Eedaynayso Dib U dhaca Doorashooyinka.


Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment