Hargeysa (Himilo) 25 June 2015-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Ayaa maanta ka dhawaajiyay in xukuumada iyo golaha guurtida Somaliland ay ka baxeen heshiiskii Ay wada galeen saddexda xisbi qaran Ee Somaliland.
Heshiiskan ay wada gaadheen saddexda xisbi Qaran ayaa ahaa In Doorashada La Qabto 2016 Bisha Tobnaad,Gudoomiyuhu waxaa uu ayaan daro ku tilmaamay in xukuumada mudo bil ah ka dib ay ka baxdo heshiiskaasi,Waxaana hadalkii madaxwayne Siilaanyo ka yidhi madaarka ku tilmaamay mid shacabka shaki wayn galiyay.
Gudoomiye Ciro Oo Saxaafada kula hadlay shir jaraa’id oo ay Maanta Magaalada Hargeysa Ku Qabteen isbahaysiga mucaaridka iyo madasha wadatashiga ayaa ugu horayn ka hadlay “waxaanu halkan u fadhinaa maanta inaanu shacbiga reer Somaliland u cadayno,In heshiiskii xukuumada iyo asxaabta dalku ay wada gaadheen ee ku saabsaanaa wakhtiga doorashada la qabanayo mudo bila aan wax talaabo ah laga qaadin,Xukuumada meelo badan ayaa u furnaa haday guurtida qancinayso,haday Maxkamad Gaynayso,Haduu madaxwaynuhu Doorashada Soo Hormarinayo”Ayuu Yidhi.
Gudoomiyaha Oo Hadalkiisa Sii Wataana Waxaa Uu Yidhi “Waxaa Shaki Badan Dadka Galiyay Kalmadii madaxwaynuhu Uu ka Yidhi Madaarka,Oo shacbiga intiisa badan u qaateen in go’aankii asxaabta Xukuumadu ay ka noqotay,Waxaa ayaan daro ah in maanta ay soo gaadho in la yidhaa heshiiskii muu Fulay mise Muu Fulin,Heshiiskii Xukuumada Dhinaceeda Ayuu Ka Buray”
Gudoomiye Ciro Waxaa Uu Baaq U Diray Salaadiintaa, Ururada Bulshada Iyo Beesha Caalamka “Waxaanu U Sheegaynaa Salaadiinta,Ururrada Bulshada Iyo Beesha Caalamka In Arinkii Ay Ku Farxeen Ee Ay Garbaha Naheyeen,Ee Ay Lahaayeen Haku kala Kicina Maanta Inuu Doorkoodii Banaanyahay.Beesha Caalamka Waxaanu U Cadaynaynaa In heshiiskii Ay Taageersanayeen Xukuumada Fulin Wayday Kana baxday”Ayuu Yidhi Gudoomiye Cirro.
Ugu Dambayntii Gudoomiyuhu Waxaa Uu Xukuumada Ku Tilmaamay In aanay Doorasho Diyaar U Ahayn,Madasha wadatashiga iyo Xisbiyada Mucaaridkana Waxaa uu sheegay in ay iskugu Iman Doonaan Tallo Qaran.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment