Fadhi ku qabsoomay Xafiiska Badhasaabka oo xilka lagaga qaaday
Borama, 26 June, 2015 (Himilo)- Fadhi shalay Xarunta maamulka Gobolka Awdal ugu qabsoomay xildhibaanno ka tirsan golaha Deegaanka magaalada Boorama, ayaa xilkii lagaga qaaday Maayarka magaaladaas Saleebaan Xaddi, kaddib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland u fasaxay inay xildhibaannadu fadhiga qabsan karaan.
Fadhiga ay isugu yimaaddeen xildhibaannadu xarunta maamulka gobolka Awdal, ayaa lagu sababeeyey kaddib Maayarkii hore ee magaalada Boorama Saleebaan Xaddi, lagu eedeeyey inuu ka caga-jiiday qabsoomidda kalfadhi ay xildhibaannada goluhu ka dalbadeen, taasina ay sababtay in fadhiga la qabto si xilka looga qaado maayarka oo ay ka soo horjeedeen aqlabiyadda mudaneyaasha Golaha Deegaanka Boorama.
Kalfadhiga ku qabsoomay Xarunta maamulka gobolka Awdal oo ay goob-joog ka ahaayeen 18 mudane oo ka tirsan 20-ka xildhibaan ee Golaha deegaanka Boorama, waxa furay isla markaana ka hadlay sharciyadda uu ku qabsoomay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo goobta ku soo bandhigay waraaq ay wasaaradda Daakhiligu ku fasaxday qabsoomiddiisa.
“Wasaaraddu waxay fasaxday shirka waa la qaban karaa, mooshinkana waa la soo dhigi karaa, sharci baynu u leeyihiin inay xildhibaannadu qabtaan shirka, waxaana waraaqda ku saxeexan wasiirka (Wasiirka Arrimaha Gudaha). Markii la akhriyey lana eegay eedaymaha ay soo jeediyeen (xildhibaannada), annagoo sidaas ku xalaalaysanay, ayaa lagu qabanayaa maadaama oo uu isagu (maayarka) qaban-waayey, shaqadiisiina ay ahayd, waxaanu marinaynaa sifihii sharciga ahaa,” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Awdal.
Intii uu socday fadhiga ku qabsoomay Xarunta Maamulka gobolka Awdal, waxa xilkii iska casilay maayar ku-xigeenkii hore ee gobolka Awdal.
Intaas kaddib, xildhibaannadii madasha fadhiyey waxa ay guda-galen inay buuxiyeen xilka maayarka degmada Boorama oo loo doortay Maxamed Xuseen Maydhane oo helay 13 Cod, halka xilka maayar ku-xigeenka oo loo doortay Cumar Ileeye Jimcaale.
Go’aanka Wasiirka Arrimaha Guduhu ku oggolaaday fadhiga xilka lagaga qaaday maayarka degmada Boorama, ayaa burinaya go’aan wasiirka Arrimaha Dibaddu hore ugu mabnuucay kalfadhiyada goleyaasha deegaanka ee ka dhanka ah mooshinnada xilalka laga qaadayo maayarrada. Haseyeeshee go’aankan ayaa fasaxaya isla markaana fududaynaya in xildhibaannadu si fudud xilalka uga qaadi karaan hoggaannada goleyaasha deegaanka.
No comments:
Post a Comment