Wednesday, June 24, 2015

Muuse Biixi oo iftiimiyey Muhiimad ay Somaliland u leedahay Guusha Xisbiga EPRDF ka gaadhay Doorashooyinkii Itoobiya

Guddoomiyaha Xisbil-Xaakimka oo hambalyo u diray Xisbul-Xaakimka Itoobiya
Hargeysa, 24 June, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hambalyeeyey Xisbiga gacanta ku haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF guusha uu ka soo hooyay doorashooyinkii Guud ee dalkaas ka qabsoomay badhtamaha bishii May ee sannadkan, taas oo natiijada rasmiga ah la shaaciyey Isniintii.
Muuse biixiMuuse Biixi Cabdi waxa uu Xisbiga EPRDF ku bogaadiyey horumarka uu dalkiisa gaadhsiiyey muddada 25-ka sanno ka badan iyo xidhiidhka uu la leeyahay dowladda Somaliland, waxaanu xusay in xidhiidhkaasi muhiimad u leeyahay xoojinta nabadgelyada iyo iskaashiga u dhexeeya waddamada Geeska Afrika, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye xalay.
War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-“Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye mud. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Hambalyo u dirayaa Xisbiga Talada dalka Ethiopia Haya ee EPDRF guusha uu ka gaadhay doorashooyinkii dalka Ethopia ka dhacay May/2015.
Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu ku bogaadinayaa Xisbiga EPDRF horumarka dhinacyada badan leh ee uu dalka Ethiopia ka hirgaliyay muddadii uu talada hayay.
Waxa kale oo uu bogaadinayaa Xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeye labada Dal ee Ethiopia İyo Somaliland iyo labada shacab ee walaalaha ah, isagoo u arka in mustaqbalkana uu ka sii xoogaysanayo.
Gebagabadii Xisbiga kulmiye Aaminsanyahay inay muhiim tahay xoojinta Nabada, is-dhexgalka iyo İskaashiga dalalka Geeska Afrika iyo Guud ahaan Afrika iyo Caalamkaba,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xarunta Dhexe ee Kulmiye ee Guddoomiyuhu ugu hambalyeeyey guusha EPRDF ka gaadhay doorashooyinkii Guud ee dalka Itoobiya.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment