Saturday, June 20, 2015
Barack Obama oo noqonaya Madaxweynihii u horreeyey ee Socdaal ku yimaadda dalka Itoobiya iyo Xarunta AU-da
Washington, 20 June, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa la filayaa inuu dhowaan socdaal qorshaysan ku yimaaddo waddanka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, isagoo la kulmi doona Madaxda dalka Itoobiya, isagoo booqan doona Xarunta Midowga Africa ee magaalada Addiska isla markaana la kulmi doono hoggaanka ururka AU, sida uu shaaciyey Xoghayaha Warfaafinta Josh Earnest
Socdaalka oo noqon doona kii ugu horeeyey ee madaxweyne Obama ku yimaaddo waddanka Itoobiya, ayaa qayb ka ah dedaallo waddanka Maraykanka ugu jiro xoojinta xidhiidha u dhexeeya waddamada ay saaxiibbada yihiin ee qaaradda Afrika.
“Bisha July dhammaadkeeda, Madaxweyne Obama, waxa uu u socdaali doonaa dalka Ethiopia, waxaanu kulamo laba geesood ah kula qaadan doonaa Madaxda Ethiopia iyo hoggaanka Ururka Midowga Africa. Waxa kale oo madaxweynuhu socdaal ku tagi doonaa dalka Kenya,” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad oo shalay Jimicihii la hadlayay saxaafadda.
Isagoo ka hadlayey ujeeddada ka dambaysa socdaalka madaxweyne Obama ee waddamo ay Itoobiya ka mid tahay, waxa uu yidhi, “Socdaalka Madaxweyne Obama, waa mid lagu dhisayo guushii shirweynihii Maraykanka iyo madaxda Africa ee August 2014 ka qabsoomay Maraykanka. Waxaanu xoojinayaa isku xidhnaanta Maraykanka iyo saaxiibadayada Africa, taasoo muujinaysa xidhiidhka wakhtiga dheer iyo ka go’naanshaha Maraykanka ee inuu maalgashado Africa.”
Xoghayaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Tani waxay noqonaysaa booqashadii ugu horaysay ee Madaxweynuhu ku tago Ethiopia iyo xarunta Midawga Africa, waxaanay hoosta ka xariiqaysaa dadaalkayaga ah inaanu la shaqayno waddamada iyo muwaadiniinta dalalka Saxaaraha Afrika ka hooseeya, si aanu u dardar-galino kobaca dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dimuqraadiyadda iyo horumarinta Amaanka.”
Barack Obama ayaa noqonaya madaxweynihii u horeeyey Maraykanka isagoo kursiga ku fadhiya socdaal ku yimaadda waddanka Itoobiya, waxaanu socdaalkani fursad muhiim ah u yahay dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya oo dhawaan looga dareeray doorashooyinka Guud ee Baarlamaanka oo natiijadeeda aan si rasmi ah loo shaacin, balse sida lagu sheegay natiijooyinka hordhaca ah waxa ku guulaystay Isbahaysiga talada dalkaas haya ee EPRDF ee uu hoggaamiyo Raysalwasaare Hailemariam Desalegn.
Safarka madaxweyne Obama, ayaa noqonayaa markii afraad ee uu booqasho ku yimaaddo Qaaradda Afrika, iyadoo markii u dambaysay ee uu yimaaddo ay ahayd sannadkii 2013-kii, wakhtigaas oo uu ka qayb-galay Aaska madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela.
Himilomedia
Hargeysa
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment