Tuesday, June 23, 2015

Madaxii Ugu Sareeyay Sirdoonka Rwanda Oo La Xidhay .

London (Himilo Media) 23 June 23, 2015-Madaxa sirdoonka dalka Ruwanda Karenzi Karake,oo Spain ay u haysatay dambiyo dagaal ayaa lagu xidhay magaalada London, sida ay sheegtay warbaahinta Kasoo Baxda Dalka Britain.

Waxaa la Sheegay in booliiska wax Mustaafuriya ay generaal Karake ka qabteen garoonka diyaaradaha ee Heathrow Maalintii Sabtidii.

Saldhiga booliiska looga Taliyo ayaa sheegay in 54 jirkaas Rwandiiska ah maxkamad la geeyay xabsigana lagu sii hayn doono ilaa iyo shan iyo labaatanka bishan lixaad.

Karake, waxa uu ka mid yahay afartan sarkaal oo 2008-dii ay maxkamad ku taala Spain ku eedaysay tacadiyo, dambiyadaasi waxaa ka mid ah in xasuuqii kadib uu amray dil wadareed isaga oo markaas ahaa ku simaha madaxa sirdoonka ee millitariga.

Gen Karake waa madaxa laanta sirdoonka qaranka ee Rwanda, xidhitaankiisa waxaa loo cuskaday waraaq ay Yurub ku dalbatay in ninkaasi la qabto.

Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment