Tuesday, June 23, 2015

Bangiga Dhexe ee Kenya oo Qaaday Xayiraaddii Saarnayd Adeegyada Dahabshiil iyo Maamulaha Guud ee Shirkadda oo ka dareen-celiyey

Hargeysa, 23 June, 2015 (Himilo)- Baanka Dhexe ee Dowladda Kenya, ayaa xanibaaddii saarneyd ee xagga Xawaaladaha ka qaaday shirkadda Dahabshiil xafiisyadooda waddanka Kenya, kaddib markii ay dowladda Kenya hore u laashay Ruqsadihii ay ku shaqayn jirteen Xawaaladaha Soomaalida ee ka hawl-gala waddankaas.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Guud ee Shirkadda Dahabshiil, dowladda Kenya ayaa xannibaaddii saarnayd shirkadda Dahabshiil ka qaadday kaddib markii ay ku qanacsaday nidaamka shaqo ee shirkadda iyo inay tahay shirkad dhowrta shuruucda xawilaadda Lacagaha.
“Baanka Dhexe ee Kiinya (CBK) waxa uu maanta ka qaaday Shirkadda Dahabshiil xayiraaddii saarnayd xafiisyadeeda Kiiniya. Waxa aanu ku faraxsanahay xafiisyada shirkadda e Kenya oo dhan ay hawshoodii si buuxda u gudanayaan isla maantaba. Dawladda Kiiniya waxay hore u laashay ruqsadihii sharci ee ay haysteen dhammaan sharikadaha xawaaladaha ee ka hawlgala Kiiniya, 7-dii bishii April 2015.
Dawladda Kiiniya waxay baadhitaan iyo dib-u-eegis ballaadhan oo dhinac kasta ah ku samaysay hawlaha, hab-dhaqanka, siyaasadda iyo adeegyada Shirkadda Dahabshiil ee Kiiniya dhexdeeda, waxayna ku qanacsan tahay in Shirkadda Dahabshiil ay si buuxda u dhawrto sharciga, si adagna ugu dhaqanto xeerarka ka-hortagga isticmaalka iyo rogrogga lacagayowga xaraanta ah ee sharci-darrada ah, iyo kuwa ka-hortagga argagixisada iyo maalgelintooda.
Shirkadda Dahabshiil waxa ay sii wadi doontaa feejignaanta ay u leedahay ku-dhaqanka shuruucda u yaalla dalka Kenya,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Shirkadda Dahabshiil.
Dhinaca kale, maamulaha Guud ee Shirakadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ka dareen-celiyey go’aanka dowladda Kenya ku fasaxday Adeegyada shirkadda Dahabshiil ka qabato gudaha dalka Kenya. "Waxannu si weyn ugu faraxsannahay in aannu noqonnay shirkaddii ugu horraysay ee xawaaladaha ee dib u heshay ruqsaddeedii Kiiniya dhexdeeda, dibna u furta adeegyadeedii xawaaladda ee Kiiniya.”
Cabdirashiid oo sharraxaya adeegyada shirkadda, waxa uu yidhi, “Shirkadda Dahabshiil waxay ka hawgashaa oo adeegyadeedu ay ku baahsan yihiin ilaa 126 dal oo adduunka ka kala tirsan, oo ay ku jiraan Kiiniya, Ingiriiska, iyo Maraykanku. Waxayna shirkaddu dhawrtaa oo ay ixtiraamtaana sharciyada iyo xeerarka u kala yaalla dalalkaasi, dal kasta goonidiisa. Adeegyadaasi Shirkadda Dahabshiil ay u fidiso dadweynuhu waa kuwa muhiim u ah nolosha dadweynahaasi oo ay ku tiirsan yihiin dadka isticmaalaa, si ay u daryeelaan qoysaskoodii iyo ehelkoodii, uguna diraan kharajyada kaga soo aada waxbarashada caruurta, caafimaadka, nolol-maalmeedka, iwm . Waxa kale oo adeegyada xawaaladdu kaalin ku leeyihiin socodsiinta meheradaha oo shaqooyin aan cadad lahayni ka abuuraan si toos ah iyo si dadbanba.”
“Waxa kale oo aannu ku faraxsananahy in aannu dib u bilawno adeegyadii iyo wada-shaqayntii naga dhaxaysey hay’ado iyo ururro badan oo caalami ah, kuwaasi oo uga faa’iideeya barnaamijyadooda adeegyada shirkadda si ay u socodsiiyaan mashaariic fara badan oo la xidhiidha taakulaynta arrimaha bani’aadminimada iyo barnaamijyada horumarinta.
Shirkadda Dahabshiil waxay kale oo kaalin weyn oo mudan ay ka qaadataa kobcinta dhaqaalaha dalka ay ka shaqayso, sida Kiiniya. Waxa kale oo ay gacan ka geysataa abuurista boqolaal kun oo fursado shaqo ah, oo iskugu jira shaqaale ay toos u qaadato shirkaddu iyo kuwa shaqooyin ka hela maalgelinta ka imanaysa hantida faraha badan ee xawaaladda ah ee la soo mariyo, sidaasi awgeedna waxay shirkaddu ka qayb qaadataa yaraynta saboolnimada.”
Waxa uu Cabdirashiid Sheegay inaanay shirkaddu ahayn mid faa’iido doon ah balse ay qaybo ka mid ah faa’idada bulshada ay ka hesho dib ugu celiso bulshada, iyadoo kaga qayb-qaadanaysa mashaariicda horumarineed iyo gar-gaarka dadka tabaalaysan, “Shirkaddu waxay caawisaa dadweynaha ama mujtamacyada dalalka ay ka hawlgasho oo Kiiniya ka mid tahay. Waxayna 10% faa'iidada ay hesho dib ugu celisaa oo ku maalgelisaa mashaariicda la xidhiidha daryeelka banii'aadminimo iyo mashaariicda horumarinta dadweynaha, mashaariic oo ay ka mid yihiin dhismaha dugsiyada ama iskuullada, cusbitaallada, gurmadka xaaladaha deg degga ah, jidadka, buundooyinka iyo helidda biyo nadiif ah oo la cabbo,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale
Himilomedia
Hargeysa

No comments:

Post a Comment