Tuesday, June 30, 2015

Aas Qaran oo Hargeysa loogu sameeyey Suxufi iyo Laba Sarkaal oo ku geeriyooday Shil Baabuur

Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Allaah ha u naxariistee Aas Qaran ayaa shalay loogu sameeyey Qubuuraha Naasa-hablood ee duleedka magaalada Hargeysa saddex Marxuum oo ku geeriyooday Shil Baabuur oo Axaddii ka dhacay jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kuwaasoo kala ahaa Weriye iyo laba Sarkaal.
Saddexdan Marxuum ee Aaska Qaran loo sameeyey, waxay kala ahaayeen Allaah ha u naxariistee Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ahaa Filim-qaade ka hawlgali jiray Horn Cable TV, Weli Daa’uud Cigaal oo ahaa Agaasimihii Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Muuse Cabdi Ducaale oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, isla markaana ka mid ahaa ilaalada Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayici), Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, Xildhibaannada iyo Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidammada, Ehelada saddexda Marxuum, Bahda Saxaafadda iyo Dadweyne Tiro badan.
Masuuliyiinta iyo dadweynaha kala duwan ee ka qaybgalay Aaska saddexda Marxuum Isniintii shalay loogu sameeyey Xabaalaha Naasa-hablood, ayaa Allaah uga beryey saddexda Marxuum inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska, Wasaaradda Maaliyadda, Warbaahinta Somaliland, gaar ahaan Horn Cable TV iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridaas naxdinta lahayd.
Waxay aad ugu duceeyeen saddexda Marxuum oo ay sheegeen inkastoo geeri naxdin leh ay geeriyoodeen, in haddana ALLAAH ku soo beegay inay dunida ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay ku soo beegmeen bilawga tobanka dhexe ee dembi-dhaafka ah, iyagoo ALLAAH ka beryey inuu cawil khayr qaba ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Hay’adaha ay ka tirsanaayeen iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen saddexda Marxuum.
Bahda Wargeyska Himilo waxay guud ahaan Tacsi taas la mid ah u dirayaan Qoyska, Ehelada, Asxaabta, Qaraabada, Hay’adaha ay ka hawlgeli jireen iyo Qaranka Somaliland, waxaanannu Allaah uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, saddexda Marxuumna Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Insha ALLAAH.



Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment