Sunday, June 21, 2015

Wasiirka Maaliyadda Oo Magacaabis Iyo Isku Beddel Ku Samaysay Masuuliyiinta Wasaaraddaas Qaarkood.




 

Hargeysa, 21 June 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Digreeto Wasiir isku-beddel iyo magacaabis ku samaysay qaar ka tirsan Masuuliyiinta Waaxyaha Wasaaraddaas.

Wasiirka Maaliyaddu waxay Digreeto Wasiir ku magacawday Masuul cusub, kaasoo ay u magacawday inuu Maamulaha Kastamka Cashuuraha Maaliyadda ee Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa uu noqdo Sahal Cabdillaahi Aadan.

Sahal Cabdillaahi Aadan oo hadda taariikhda Digreetadani soo baxday ee shalay laga bilaabo ah Maamulaha Kastamka Madaarka Hargeysa, ayaa Wasiirku ka soo beddeshay Xarunta Waaxda Kastamka, laba bilood ka horna waxa ay Wasiirku ka qaadday xilka Maamule ee kastamka Abaarso.

Sidoo kale waxay Wasiirku magacawday Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ay  magacawday Isu-duwaha gobolka Togdheer ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo laga soo beddelay Maamulaha Kastamka Madaaarka Hargeysa Ibraahin Cawil Xaaji Nuur oo ay Wasiirku u beddeshay Xarunta Waaxda Kastamka, horena u ahaa Isu-duwaha gobolka Togdheer ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

 

No comments:

Post a Comment