Tuesday, June 30, 2015

Wasiirka Warfaafinta oo Daah-furay Buug Ka Hadlaya Tayaynta Waddooyinka Somaliland

Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Waraafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka qayb-galay kulan lagu soo bandhigay Buug lagu naaqishayo tayaynta Waddooyinka Somaliland, kaas oo isku-dubba-ridkii iyo diyaarintiisa ay qayb ka tahay hay’adda Waddooyinka Somaliland.

[gallery columns="2" ids="21041,21040"]

Kulan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maareeye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka, masuuliyiin ka socday hay’adda ILO iyo khubaro aqoon u leh dhismaha Waddooyinka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sharraxay dib-qorshayaasha xukuumadda ee dib-u-dhiska iyo tayaynta waddooyinka dalka, waxaanu yidhi, “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wax ay ku faani karto taariikhadana u galay, waxa ka mid ah waxqabadka hay’adda Wadooyinka, waxa ka mid ah Waddooyinka kuwa aan jiri jirin ee ay iyadu samaysay, waxa ka mid ah Waddooyinka dawladihii kacaan ahaa, dawlado shacab ahaa iyo dawlado Xukuumaddan ka horeeyay aanay ku dhici karayn ee ay iyaddu bilawday oo socda ee Injineerkii fulinayay uu halkan fadhiyo oo Ceerigaabo ka mid tahay. Waxa ka mid ah Waddooyinka isku xidhaya Boorama iyo Hargeysa oo aad ogtihiin Boorama ilaa Dila ilaa Ingiriiskii in aanay Wadadaasi ahayd Wado jirta, maantana aad ogtihiin in Wadadaasi wakhtiga lagu tago iyo rafaadka loo mari jiray, waxaan ku amaanaynaa siday Wadooyinka u dhiirigeliyaan ee hay’adda Wadooyinku, Xukuumadda iyo Shacabku inta badan iska kaashadaan ee shacabkana lagu dhiirigeliyo waxqabsiga, oo lagu dhiirigeliyo siday wax u qabsan lahaayeeyn oo wax loogu daro oo wixii ay qabsadaan kolba wax u dhigma ama wax loo gooyay loogu daro, taasina ay suurto geliso in Waddooyin dhaadheer maanta la maro oo ay sidaas ku samaysmeen,” sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.
Maareeye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka Maxamuud Daahir Jaamac oo kulankaasi ka hadlay, waxa uu yidhi, “Waxa la ogaaday horumarka dalku inuu yahay haddii Wado la helo horumar baa la gaadhayaa, maanta meel kasta ilaa Ceerigaabo ilaa dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka oo dhan horumar baa ka socda, waana hadafkii Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu hormoodku inoogu ahaa. INSHA ALLAH waxaanu ku rajo weynahay in aqoon isweydaarsigan inay sidii loogu tallo galay u qabso , cid alaale cidii qorshahan ka faa’idaysanaysana inay sidii loogu tallo galay uga faa’idaysato, imika sidii la inoo sheegeen qolihii waday waa daraaf in dhamaytirkiisana aynu dhamaystirno, xadhigana maalin ka wada jarno.” Ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka Wadooyinka hay’adda Somaliland
Sidoo kale Yasiin Cali Aadan oo ah Sarkaal ka tirsan hay’adda Waddooyinka ayaa sheegay in Somaliland ay yeelatay nidaam cusub oo lagu horumarinayo Waddooyinka, waxaanu yidhi, “Waxa soo saaray ama hawshan hirgeliyay hay’adda Waddooyinka Somaliland, waxa gacan ka siisay hay’adda ILO, muhiimadda ugu weyn ama nuxurka Dhukumantiyadani ka hadlayaan waa qaabkii loo raaci lahaa Wadooyinka oo Somaliland hore umayn lahaan jirin waligeedna may yeelan, laakiin maanta waxay leedahay wax kasta oo Wado ku saabsan. Hadday tahay Bariijkii iyo biyamareennadii iyo hadday tahay calaamadihii Waddooyinka.”
Dhinaca kale Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar iyo Maxamed Cabdiraxiim oo ah mid ah masuuliyiinta hay’adda ILO, ayaa ka warramay muhiimada ay dhismaha Waddooyinku u leeyihiin dalka.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment