Sunday, June 21, 2015

AL-shabaab Oo Weerar khasaaro badan gaystay Ku Qaaday Xarunta Ciidanka Sir Doonka Somalia

Muqdisho (Himilomedia) June-21-2015- Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku Dhintay Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen subaxnimadii Axadda xarunta ay ku tababartaan ciidamada sirdoonka dowladda Somalia oo ku taalla degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka oo ay ku andacoodeen inay tiro badan oo xooggaga sirdoonka Somali ah ku dileen “Waxaanu qabsanay dhismaha Sirdoonku ku tababaranayay, waxaanuna kula dagaalanay gudaha” ayuu Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab afhayeenka hawlgalada militariga Shabaab u sheegay Reuters.

Cismaan Nuur, oo ah goobjooge ku sugan degmada Shibbis ee weerarku ka dhacay ayaa saxaafadda sidan ugu sharaxay dhacdadaasi “Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan, waxaana xigtay rasaas culus oo socotay muddo dhowr daqiiqadood ah, mana jirto cid gurigeeda ka bixi karaysay xilligaas rasaasta oo si aad ah u dhacaysay awgeed… balse waxaan fursad u helnay inaanu soo baxno markii uu dhammaaday dagaalka,”

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia Maxamed Yuusuf ayaa saxaafadda u sheegay inay fashiliyeen weerarka Shabaab islamarkaana dileen xubnihii weerarka soo qaaday qaarkood “Saddex ka mid ah ayaa lagu dilay weerarka, midkood wuxuu ahaa qofkii waday gaadhiga Ismiidaamiyay, labada kalena waxaa la toogtay iyago isku dayaya inay gudaha u galaan xarunta lagu tababaro ciidamada,” ayuu saxaafadda u sheegay afhayeenku.

Al-shabaab ayaa weerar ay sabtidii ku qaaday xarun ciidamada Somalia ku leeyihiin degmada Afgooye ee Muqdisho u dhaw waxay ku dileen ilaa 15 Saraakiil iyo Askar iskugu jirta, waxaanay qaateen gaadiid ciidamada lahaayeen.

Weeraradan kooxda doonaysa inay xukunka ka tuurto xukumadda Muqdisho ee reer galbeedku taageerayo ayaa imanaya iyadoo kooxdo laban laabta weeraradeeda inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment