Wednesday, June 24, 2015

Maayirkii Boorama Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Maayir Cusub Oo La Doortay.

Boorama (Himilo)24 June,2015-Kalfadhigii maanta ee golaha degaanka Boorama ayaa xilka lagaga qaaday Maayarkii Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, Iyadoo Sidoo Kalena Uu iscasilay Maayir Ku Xigeenkii Hore, Waxaana Kalfadhiga Lagu Doortay Maayir Iyo Ku Xigeen Cusub.
Kalfadhigan Ayaa Waxaa Goobjoog Ka Ahaa Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Ramaax Iyo Masuliyiin Ka Socotay Wasaarada Arimaha Gudaha.

Golaha degaanka ayaa dood ka yeeshay mooshinka xilka lagaga xayuubiyay duqa Boorama, waxaana kadib loo qaaday cod, iyadoo 18-ka mudane ee goobta joogayba u codeeyeen in xilka laga qaado Maayar Saleebaan Xasan Xaddi, waxaana is casilay ku xigeenkiisii.



Intaas kadib ayaa goluhu guda galay doorashada Maayarka cusub, waxaana u tartamay 5 mudane,balse waxa ku guulaystay maayarka Boorama inuu noqdo Xildhibaan Xasan Maydhane oo helay 13 cod oo ka mid ah 18 cod ee la dhiibtay.

Intaas kadib ayaa sidoo kale 5 xildhibaan u tartameen inay noqdaan kuxigeenka Maayarka Boorama,waxaana ku guulaystay Xildhibaan Cumar Illeeye.



Waxaana kulankaasi afmeeray badhasaabka Awdal oo ku dhawaaqay Masuuliyiinta cusub ee degmada Boorama iyo golaha degaanka hogaamin doona.

Masuuliyiinta xilka laga qaaday ayaa golaha degaanka hogaaminayay tan iyo sanadkii 2012-ka oo ahaa markii la doortay goleyaasha degaanka Somaliland Iyadoo In Badan Dadka Ku Nool Degmada Awdal Cabashooyin Ka muujiyeen Maamulka Xilka Laga Xayuubiyay.

Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment