Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa u kicitimay dalka Itoobiya ka dib markii uu marti qaad rasmi ah oo uu ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya.
Xubnaha Weftiga Madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa kala ah
1. Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde
2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis
3. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan
4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade
5. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali
6. Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal
Weftiga Madaxweynaha ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalkiisa, isaga oo sheegay madaxweynuhu inuu martiqaad rasmi ah ka helay raysal wasaare Desalegn kana wada hadli doonaan arrimaha labada dal ka dhexeeya ee la xidhiidha Amniga mandaqada geeska afrika, iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dal.
Waxaana halkaasi madaxweynaha ku sii sagootiyey Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Muj. Maxamed Kaahin, salaadiin, cuqaal, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.
Intaasi ka dibna madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, isaga oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, harreerahana ka joogaan taliyeyaasha ciidamada qaranka.
HALKAN KA DAAWO
[gallery columns="4" ids="20818,20817,20816,20815,20814,20813,20812,20811,20810,20809,20808,20807,20806,20803,20802,20801,20800,20799,20798,20797,20796,20795,20794,20793,20792,20791,20789,20788,20787,20786,20785,20783,20782,20781,20780,20779,20778"]
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment