Tuesday, June 23, 2015
Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Joogtada ah ee Wakiillada oo ka shiray laba Arrimood oo Saamayn ku yeeshay Nolosha Shacabka iyo Dakhliga Miisaaniyadda
Hargeysa, 23 June, 2015 (Himilo)- Guddi-hoosaadka Joogtada ah ee Golaha wakiillada Somaliland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa ka-wada hadlay Heerka Sicir-bararka dalka ka jira iyo saamaynta ay dhaqaalaha waddanka ku yeelatay collaadda ka taagan waddanka Yemen oo isbeddel ku keenay dakhligii wax-soo-saarka Ilaha dakhli-ururineed ee Dowladda.
Waddanka Yemen, ayaa loo dhoofin jiray Xoolo tiro-badan, sidoo kale waxa ka soo degi-jiray badeecado ay leeyihiin ganacsatada dalka, kuwaas oo marka cashuurtooda laysku daro boqolkiiba 20 ka ahayd ilaha dakhli-ururineed iyo Odoroska miisaanadda dowladda.
Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaraddaas Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin kula qaatay Guddiga Xarunta Golaha Baarlamaanka, waxaanay halkaas warbixin kaga siiyeen dedaalka ay ugu jiraan wax ka qabashada qiimaha miciishada iyo sarrifka lacagaha Qalaad.
Markii kulankaasi soo dhammaaay waxa saxaafadda u sharraxayey Arrimaha laga wada-hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Xildhibaan Axmed Ducaale oo sharraxayey arrimaha ay kala hadleen masuuliyiinta Wasaaradda, waxa uu yidhi, “Arrinta ugu mihiimsan ee wasaaradda maaliyadda madaxdeeda aanu ka wada hadalney laba qodob ayaa ugu mihiimsanaa midi waa arinta sicir-bararka, waxaana ay naga siyeen warbixin wanaagsan, sida ay u wadaan qorshaha iyaga iyo Baanka dhexe, waxaanay noo sheegeen inay baanka dhexe u daba fadhiyaan siduu hawshaa u maamulayo laakiin, wasaarad ahaan si fiican ula shaqaynayaan. Arrinta labaad waxay aheyd isbeddelka ku yimid meelihii uu dakhligu ka soo bixi jirey sameynta ay nagu yeelatey, wer-wer badan baa jirey dagaalka Yemen ka socda oo aanu badeecado badan geyn jirney dalkaasi, taana sameynta ay ku yeelatey miisaaniyadda ayaanu weydiiney, taana war bixin kooban ayey naga siiyeen. Saamayn way ku yeelatay xagga hoos-u-dhaca dakhliga laakiin, waxay noo sheegeen inay ilaa hadda miisaaniyaddu wanaagsan tahay kadib markii ay dedaal badan iyo gunti giijis badan sameeyeen, waxaanan isla qaadanay sidii looga wada shaqayn lahaa sicir-bararka.”
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna ka hadasha natiijada kulanka dhexmaray Guddi-hoosaadka Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, waxa ay tidhi, “Guddida joogtada ahi iyagaa noo yeedhay, waxaanu ka wada hadlaynay labadaas qodob ee Guddoomiyuhu sheegay oo iyaguna runtii ay arkeen in Doolarkii hoos u dhacay iyo sidii aanu u sii wadi lahayn ee aanu u soo noqon lahayn. Markaa waxaanu isla garanay in guddida, baanka iyo anaguba aanan ka daba hadhin hawshaas.”
Wasiirka Maaliyadda Somaliland, waxa ay sheegtay inaanay qirtay in dagaallada ka socda waddanka Yemen saamayn ku yeeshay odoroska Miisaaniyadda balse ay dedaal badan oo ay galeen kaddib aanu wakhtigan jirin hoos-u-dhac dakhli oo ay dabooleen.
Himilomedia
Hargeysa
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment