Tuesday, June 23, 2015

Maxay ka wada-hadleen Marwada Madaxweynaha iyo Marwada Raysal-wasaaraha oo kulan yeeshay?

 

Addis Ababa, 23 June, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo tan iyo gelinkii dambe ee Axaddii toddobaadkan ku sugan Caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa kulan la yeeshay Raysal-wasaaraha dalkaas Haylemariyam Disaaalim.

Waxay Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Ethiopia ka wadahadleen arrimo kala duwan oo xoojinta xidhiidhka labada dal ee dhinacyada Siyaasadda, Nabadgelyada, Ganacsiga iyo Iskaashigu ka mid yihiin sida uu sheegay Madaxweyne Siilaanyo oo Saxaafadda la hadlay markii uu u soo dhammaaday kulankaas isaga iyo Weftigiisu la yeesheen Raysal-wasaaraha Itoobiya oo Marti-qaad rasmi ah u soo diray ka hor intaanay dalkaas u dhoofin Axaddii.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo ka hadlaya waxyaabaha ay ka wadahadleen Raysal-wasaaraha Itoobiya, waxa uu yidhi; “Waxaannu Raysal-wasaaraha ka wadahadalnay danaha labada dal, xidhiidhka labada dal baannu ka wadahadalnay ee dhinac walba leh oo dhinaca nabadgelyada leh, Shir fiican oo wanaagsan baa noo dhacay oo aannu si wanaagsan isugu afgarannay, aad iyo aadna u soo dhawaynayno”

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland intaas ku daray oo uu sheegay inuu aad ugaga mahad-celinayo qaabka ay Madaxda dawladda Itoobiya ugu soo dhaweeyeen dalkooda Weftigiisa, waxaanu yidh; “A, waanannu uga mahad-celinaynaa dawladda Itoobiya sida sharafta iyo qiimaha leh ee ay noo soo dhaweeyeen.”

Sidoo kale, kulan gaar ah ayaa dhex-maray labada Marwo ee Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya, kaasoo ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha horumarinta Haween-waynaha waddamada Somaliland iyo Ethiopia.

Waxaa Weftiga Madaxweynaha Xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Marwada Koowaad, Wakiilka Somaliland u fadhiya Caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, waxaana la filayaa in Weftigu kulammo kale la yeeshaan Masuuliyiinta dawladda Federaalka Itoobiya.

 

No comments:

Post a Comment