Paris, 25 June, 2015 (Himilo)- Xiisad dibloomasiyadeed oo hor leh ayaa ka dhex-dhalatay waddamada Maraykanka iyo Faransiiska, kaddib markii ay soo if-baxeen xogo ay baahisay shabakadda Wikileaks, kuwaas oo lagu sheegay in dowladda Maraykanku hawlo basaasnimo ku samaysay saddex madaxweyne oo soo maray waddanka Faransiiska.
Madaxweynayaasha Faransiiska ee xogahani soo bandhigeen in hay’adda Nabad-sugidda Marayaykanka ee NSS ay basaastay, ayaa kala ah Madaxweynayaashii hore Jacques Chirac, Nikolas Sarkozy iyo madaxweynaha immika talada haya ee Hollande.
Dawladda Faransiiska ayaa arrintan kaga jawaabtay inay dalka Maraykanak uga yeedho safiirkooda fadhiya, waxaanay ku tilmaantay arrin aan la aqbali karin basaasidda Basaasida Maraykanku ku sameeyay Madaxweynaha talada haya iyo labadii madaxweyne ee ka horeeyay.
Wasiirka Arrimaha dibadda Faransiiska Laurent Fabius, ayaa u yeedhay safiirka Faransiiska u fadhiya Maraykanka si uu qayb uga noqdo kulan uu madaxweynaha dalkaasi isugu yeedhay guddiga nabad-gelyada Faransiiska oo shalay gelinkii dambe qabsoomay, kaas oo lagu lafo-garay warbixinta ay baahisay shabakadda wikileaks.
Maraykanka ayaa ku andacoonaya inaanay dhicin basaasid uu ku sameeyay dawladda Faransiiska balse dhukumentiga la hayo ayaa ah mid caddayn ugu filan talaabooyinka Maraykanku qaaday si uu u basaaso Madaxda Faransiiska iyo shaqaalahooda.
Wargeyska Faransiiska ah ee Liberation iyo shabakadda Mediapart, ayaa sida ay ka soo xigteen xogaha Wikileaks baahisay ku sheegay in basaasidu dhacday intii u dhexaysay 2006-dii ilaa 2012-kii. Warbixinta ugu wakhtiga dambeysay oo ku taariikhaysan 22 May 2012 oo ahayd wakhtiga Madaxweynaha wakhtigan ee Faransiisku xilka qabtay, ayaa muujinaysa xog ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu madaxweynuhu ku lafo gurayay dhibaatooyinka ka taagan Midowga Yurub gaar ahaana qorshaha dalka Giriiggu ku doonayo inuu kaga baxo Midowga Yurub kaddib markii dhaqaale la’aan ka dhalatay lacagta Euro soo waajahday.
Sirahan cusub ayaa imanaya iyadoo sannadkii 2013-kii Edward Snowden oo hore uga mid ahaa sirdoonka Maraykanku faafiyay siro ku saabsan basaasid uu Maraykanku kula kaco xulufadiisa reer Yurub, gaar ahaana hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo telefoonkeeda la dhegaystay.
Si kasta ha ahaatee, Waddanka Faransiiska oo ka mid ah xulafada ugu dhow-dhow ee dalka Maraykanka isla markaana ah xubin awood milatari ku leh Isbahaysiga NATO, ayaa la saadaaliyey inay waji gabax diblamaasiyadeed ku keeni karto dalka Maraykanka maadaama oo hay’adaha sirdoonka dalkaasi kula kaceen basaasnimo hoggaamiyeyaasha waddamada ay xulafada yihiin.
No comments:
Post a Comment