Hargeysa, 28 June, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa Shacabka iyo dawladda Jabuuti u diray dhambaallo Hambalyo ah oo ay ugu hambalyeynayaan dabbaal-deggooda 27 June oo ku beegan sannadkan 38-guurada ka soo wareegtay markii ay Jabuuti Xornimada ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska, taasoo shalay dalkaas iyo dalalka ay Jaaliyadaha reer Jabuuti ku dhaqan yihiin-ba laga xusay.
Qoraallo ay soo saareen Masuuliyiintani shalay iyo xalay, ayay ugu hambalyeeyeen dawladda iyo Shacabka Jabuuti oo ay Allaah uga baryeen inuu sannadkan sannadkiisa iyo sannado badan oo kaleba ku gaadhsiiyo Bashbash, Barwaaqo, Nabad, Caafimaad, Farxad, Horumar iyo Isku-duubni, iyagoo heerka horumarka iyo nabadda ka jirta Jabuutina aad ugu ammaanay dawladda talada dalkaas haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
War-Saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu faahfaahiyey Hambalyada Madaxweynaha Somaliland u diray dawladda iyo Shacabka Jabuuti, kaasoo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa Dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay maanta (shalay) ku beegan tahay Xuska Sannad-Guuradii 38-aad ee ka soo wareegtay Markii ay Xornimada ka qaateen Gumaystihii Faransiiska (France) 27-June-1977kii.
Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinayaa Dawladda Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle horumarka ay ku talaabsadeen Xukuumadiisa iyo shacbigiisuba mudadaasi ay madaxa banaanida haysteen.
waxaanu Madaxweynuhu xusay xidhiidhka qotada dheer ee labada dalka ka dhexeeya oo ah mid walaaltinimo, iskaashi, iyo isfahan ku qotoma iyo dedaalka labada dhinac ugu jiraan guud ahaan adkaynta nabad gelyada iyo xasillooni Geeska Afrika. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 38 jirsaday ee ay ku naaloonayaan maanta, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”
Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ee KUKLMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa iyaguna hambalyo iyo bogaadin taas la mid ah u diray dawladda iyo Shacabka Jabuuti 38-guurada ka soo wareegtay xornimadooda ee 27 June oo ku beegan maalintii ay calanka ka qaateen Faransiiska 27 June 1977-kii, iyagoo horumar, midnimo iyo barwaaqo u rejeeyey Jabuuti.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment