Qansax-dheere, 30 June 2015 (Himilo)- Sarkaal ka tirsanaa Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM) ee ku sugan dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu isu dhiibay Malleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta AMISOM iyo Ciidammada dawladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u xaqiijiyey in Sarkaalkaasi uu isku dhiibay Malleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka Ufurow.
Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in Sarkaalkaasi uu sii maray Tuulo la yidhaahdo Geriyow oo degmada Qansax-dheere u jirta siddeed Kiiloo-mitir, kaasoo dadka Tuuladaasi weydiisatay jidka taga deegaanka Ufurow. Illaa iyo hadda lama ogga sababta uu Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Nabad-ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dawladda Ethiopia uu isugu dhiibay Al-Shabaab.
Taliska Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya, ayaan weli ka hadal Sarkaalka la sheegay in uu u goostay dhanka Malleeshiyada Al-Shabaab, kana baxay Ciidanka uu ka tirsanaa ee Itoobiya oo qayb ka ah Hawlgalka AMISOM. Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab, ayaan iyaguna dhinacooda weli shaacin Sarkaalkan la sheegay inuu isu dhiibay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment