Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Tartanka Qur’aanka Kariimka ah qaybtiisa labaad oo maalmihii u dambeeyey Masaajidka Rusheeye ee Hargeysa uga socday Hablo ku tartamay Xifdiga 30-ka Juz iyo 15 Juz Qur’aanka Kariimak ah, ayaa shalay la soo gebo-gabeeyey, waxaana loo qabtay munaasibad abaal-marinno kala duwan lagu guddoonsiiyey hablihii kaalmaha hore ku guulaystay.
Tartanka oo ah sannadle ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil, waxa lagu soo gunaanaday ka qayb-galay culimo-aw-diin uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cali Biixi, Sheekh Maxamed Aaden iyo Sheekh Mubaarak.
Tartankan oo ahaa 30 Juz iyo 15-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah ayaa waxaa saddexda kaalmood ee ugu horreeya koox walba ku guulaystay ardaydan hoos ku xusan:
Ardayda 30-ka Juz
1- Asma Maxamed Xasan Kitaab Qur’aan ah, Labtob, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 1,000 USD (Kun Dollar).
2- Faa’isa Xuseen Maxamed Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 700 USD (Todoba Boqol Oo Dollar).
3- Kaltuun Axmed Warsame Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 500 USD (500 Boqol Oo Dollar).
Ardayda 15-ka Juz
1- Asma Maxamuud Cabdi (Kitaab Qur’aanka Kariimka ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 400 USD (Afar Boqol Oo Dollar).
2- Caa’isha Adem Ducaale (Kitaab Qur’aanka Kariimka ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 300 USD (Saddex Boqol Oo Dollar).
3- Barwaaqo Axmed Xuseen (Kitaab Qur’aanka Kariimak ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 200 USD (Labo Boqol Oo Dollar).
Sidoo kale, waxa xafladdaasi abaalmarinno ay ka mid yihiin Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo Shahaadooyin isugu jira lagu guddoonsiiyey Arday kale oo ku guulaystay tartanka Qur’aanka Kariimka ah 30-ka Juz iyo 15-ka Juz, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:
Ardayda 30-ka Juz:
Xafsa Muuse Cabdi, Nimco Xasan Jaamac, Salma Cabdiraxmaan Aaden, Raxma Muuse Sahal, Muniira Mustafe Baashe, Safiya Muuse Cabdi, Xamda Cabdilaahi Axmed, Sacda Cabdilaahi Axmed, Khadra Mustafe Maxamed, Umal-khayr Maxamed Jaamac, Nasra Aden Saciid
Ardayda 15-ka Juz
Najax Sulaymaan Maxamed, Deeqa Maxamed Xasan, Raadiya Maxamed Xasan, Xafsa Maxamed Xasan,
Xafsa Faarax Cabdiraxmaan, Asma Xuseen Cali, Ilhaan Cabdi Muuse, Warda Aadem Cabdi, Muhiim Aadem Xuseen, Khadan Maxamuud Xirsi, Nimco Cabdiqaadir Sulaymaan.
Qaybtii kowaad ee tartanka oo loo qabtay Wiilashada isla markaana ay maalgelisay shirkadda Dahabshiil, ayaa todobaadkii hore la soo gebo-gabeeyey, waxaana ka qayb-galay arday ka kala socotay gobollada dalka.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment