Leego, 27 June, 2015 (Himilo)- Saraakiil Ciidan iyo Goob-joogayaal, ayaa Saxaafadda u sheegay u sheeg in 70 Askarta Ciidammada Burundi ee ka tirsan kuwa Midawga Afrika ka socda ee AMISOM ah ay Al-Shabaab ku laysay weerar culus oo ay ku qaadday, isla markaana ku qabsatay Xero Ciidan oo ay AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya.
Weerarka, ayaa Salaaddii subax ee shalay ku bilawday baabuur ku qarxay ganjeelka ama iridda xerada, kadibna waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Siidii ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay gowraceen dhowr iyo tobban dumar ah, isla markaana la la' yahay ciidamo Burundi ah iyo tiro badan oo Soomaali ah oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Leego, kuxigeenkiisa iyo wali wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa canbaareeyay weerarka, balse ma uusan sheegin tirada ciidamada AMISOM ee weerarka ku dhintay. Dowladda Somalia, iyo wakiilka QM ee Somalia ayaa labaduba canbaareeyey weerarka. al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay kor u qaadi doonaan weerarada ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada AMISOM inta lagu duda jiro bisha Ramadaan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment