Saturday, June 20, 2015

Wasaaradda Ciyaaraha iyo Hoggaanka Kulmiye oo si wada-jir ah u furay Tartanka Koobka Ramadaan ee Garoonka Xawaadle

Hargeysa, 20 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md Axmed Cabdi Kaahin iyo Guddoomiye ku-xigeenka xisbi xaakimka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si wada-jir ah garoonka kubadda cagta Xawaadle ee caasimadda Hargeysa uga furay tartanka Kubadda Cagta ee bisha Ramadaan, halkaas oo ay ka qayb-qaadanayaan kooxaha heerka labaad iyo saddexaad ee ka dhisan caasimadda Hargeysa qaarkood.

Wasiirka Ciyaaraha iyo Guddoomiye Maxamed Kaahin waxa kale oo ay halkaas ku guddoonsiiyeen Guddiga Tartanka Agabka Ciyaaraha ee tartanka lagu qabanayo.

Guddoomiye xigeenka xisbiga Kulmiye, Wasiirka dhallinyarada ciyaaraha iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha, waxaa garoonka Xawaadle si balaadhan ugu soo dhaweeyey dadweynihii tirada badnaa ee ku sugnaa, ciyaartoydii, iyo taageerayaashii ku sugnaa garoonka, iyaga oo halkaas dhammaantoodba uga mahad-celiyey furitaanka koobka ciyaaraha kubadda cagta bisha barakaysan ee Ramadaan iyo sida oo kale guddoonsiinta Agabka oo ka kooban Direysyada, Koobabka iyo Kubaddaha lagu ciyaaro.

Ugu horeyn, waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha tartanka bisha Ramadaan ee garoonka Xawaadle Mr. Mukhtaar Cabdi Aadan oo uga mahad-celiyey Guddoomiye Maxamed Kaahin iyo Wasiirka ciyaaraha sida ay u qiimeeyeen xaafadda 26-ka Juun, waxaana ay tilmaameen inay aad ugu faraxsan yihiin in guud ahaanba Agab ciyaareedkii tartanka la guddoonsiiyo.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay kuna dheeraaday muhiimada tartamada bisha Ramadaan iyo muhiimada uu leeyahay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo sheegay inay wasaarad ahaan ay mar walba garab taagan yihiin taageerida tartamada kala duwan, iyo wax kasta oo kor u qaadaya dhiiri-geliyana guud ahaan dhallinyarada Somaliland.

Agaasime Dhabeeye ayaa soo dhaweeyey wasaaradda Maaliyadda oo kala shaqaysay inay gacan siiyaan tartankan. Sidoo kale waxa uu so dhaweeyay hal-ku-dhiga tartanka ee ah “Ha dhibin qof aan ku dhibin”, maadaama ciyaaruhu yihiin madal la iskugu soo dhawaado oo aan la isku faquuqin.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye xigeenka Xisbiga talada haya Md.Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ayaa ciyaartoyda, taageerayaasha iyo guddida garoonka Xawaadle uga mahad-celiyey sida qiimaha badan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana ay xuseen in xilligan dedaal dheeraad ah oo xukuumada talada haysaa samaysay ay kor u kaceen ciyaarihii, taas oo ay ugu dambeysay in Somaliland tartan heer caalami ah bishii hore dalka UK kaga qeyb-gashay. Mujaahid Maxamed Kaahin ayaa xusay inay Xisbi ahaan ka go’an tahay kor u qaadida iyo dhiiri-gelinta ciyaaraha.

Wasiirka ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa isaguna xusay in muddada tartankani uu socon doono ee bisha Ramadaana ay mar walba ka war-hayn doonaan, iman doonaana garoonka Xawaadle, si ay dhallinyarta dareen ahaan ugala qeyb qaataan xiisaha ay u qabaan ciyaaraha.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaraadka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa Khamiistii dorraad ee bisha Ramadaan kowda ahayd furay tartan-ciyaareed kubadda Cagta ah ee Garoonka Xawaadle oo aan ahayn tartanka ay shalay fureen Wasaaradda Ciyaaraha iyo Hoggaanka Kulmiye.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment