Muqdisho, 24 June, 2015 (Himilo)- Ugu yaraan 14 Qof, ayaa Arbacadii shalay ku dhintay Qarax Ismiidaamin ah oo Naftood-halligayaal isa-soo miineeyey ku weerareen Gaadhi ay saarnaayeen Ciidan ilaalinayey Kolonyo Baabuur ah oo ay la socdeen Diblamaasiyiin u dhashay waddanka Imaaraadka Carabta oo joogay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafada Hodan ee Caasimadda Muqdisho. Booliska Soomaaliya waxa ay sheegeen in Qaraxaas ay ku dhinteen 14 qof oo ay ku jiraan labadii qof ee Naftooda halligay ee fuliyey weerarkaas, kuwaasoo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab. Hase-yeeshee, waxaa ka badbaaday weerarkaas Diblamaasiyiinta u dhashay Imaaraadka Carabta ee ay Ciidanka Gaadhigooda la bartilmaameedsaday ilaalinayeen, waxaanay Diblamaasiyiintu la socdeen Baabuurta aanay Rasaastu Karin.
Siddeed qof oo Shacab ah, ayaa ku jira 14-ka ruux ee weerarkaas ku nafwaayey, waxaana dadkaasi ka mid ahaa Carruur iyo Dumar. Dadkan Shacabka ah ayaa degganaa Xero Qoysas Barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo meesha Qaraxu ka dhacay ku taallay. Saraakiisha Caafimaadka ee Cusbitaallada, ayaa sheegay in 21 qof oo dhaawac ah lagu dawaynayo Cusbitaallo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Goobta uu Qaraxau ka dhacayay, ayaa lagu arkayay dhiig badan, dhaawaca dadka iyo Meydadkana waxaa gurayay Gawaadhida Ambalaasyada loo yaqaanno ee u gaarka ah caawimada gargaarka deg-degga ah ee Caafimaadka, iyadoo sidoo kale goobta lagu arkayey googgo’a Gaadhiga ay Naftood-halligayaasha is-qarxiyey wateen iyo sidoo kale Gaadhiga Ciidanku watay ee Qaraxa lala beegsaday.
Ciidammo kuwa dawladd Soomaalia ka tirsan, ayaa goobta la geeyey, waxaanay isla markii ay halkaas gaadheen bilaabeen inay Rasaas ay Cirka u ridayaan ku kala eryaan dadweyne goobtaas ku soo xoomay markii qaraxu dhacay ka dib.
Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dawladda iyo dadka Soomaaliya, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarkaas Shacabka iyo Askarta noloshooda galaaftay, iyagoo ku dooday inuu weerarkaasi ka mid yahay weerarrada guulaystay ee ay Kooxdu ku bartilmaameedsanayso dad Cadaw ah sida ay hadalka u dhigeen.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment