Hargeysa, 28 June, 2015 (Himilo)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqo-ka-fadhiisin ku-meel-gaadh ah iyo ruqsayn uu ku sameeyey 86 Askari oo Ciidamada Asluubta ka tirsan.
Taliye Maxamed Cismaan Xudhuun, waxa uu sheegay in askartaasi oo liiska magacyadooda dhawaan la soo dhejiyay markii Amar lagu siiyey inay soo qaataan Qoryo ay ku hawlgalaan ay ku kaceen abaabul ka baxsan xayndaabka Ciidanka Asluubta, isla markaana ay cabasho u gudbiyeen madaxtooyada iyo golaha wakiillada, cabashadaas oo ay ku sheegeen inaanay haysan Qoryo ay ku hawl-galaan.
Taliyuhu waxa uu sheegay in afar askari oo ka dambeeyey abaabulka 86 Askari laga ruqseeyey shaqada.
“Afar askari waxaan ku eryay, askarigu dambi hadduu galo oo dambi qaran galo oo loo naxariisto aan la gayn xabsi, shaqada ayaa laga fadhiisiyaa. 86 askari oo bilaa qori ah ayaanu soo dhejinay, waxaanu nidhi muddo bil ah ku soo qaata qoryihiina, markaa 4-ta askari intay ciidankii abaabuleen ayay baarlamaanka iyo madaxtooyada geeyeen oo yidhaahdeen xeradii baa nalaga soo saaray, markii la waydiiyay sababta loo soo saarayna waxay yidhaahdeen qoryo keena ayaa nala yidhi, markaa askari wuxuu askari ku yahay qoriga ee qoryihiina doonta ayaa la yidhi. Kolkaa afartii 86 askari hor kacay waan ruqseeyay oo akhlaaq xumo ayaan u ruqseeyay, waayo maalinta dambena wax kale ayay samayne, kuwa kale ha ku waano qaataan,” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Asluubta oo warbaahinta la hadlayey.
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Askartii bilaa qoriga ahayd laba qaybood ayaanu u qaybinay, kuwii qoryaha keenay waanu u liis garaynay, kuwii aan qoriga keenina Lacagtiisa (Mushaharkiisa) ayaanu ka jarnay oo nidhi qori baanu kuu iibinaynaa,” ayuu yidhi Taliye Xudhuun.
Taliyaha oo la waydiiyay sababta loo qoray Askarta haddaanay marka horeba haysan qoryo ama dawladdu qoryo siin, waxa uu ku jawaabay, “Anigu xilka waxaan hayay muddo 3 bilood ah, sababta qori la’aan loogu qoray raggii hore (Taliyeyaashii hore) ayaydun waydiin,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Xudhuun.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment