Boorama, 25 June, 2015 (Himilo)- ALLE ha u naxariistee waxa shalay magaalada Boorama aas qaran loogu sameeyey Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha bulshada Somaliland Marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo muddo dhowr bilood ah xannuun haleelay u jiifay Cusbitaal ku yaalla magaalada Boorama.
Aaska magaalada Boorama loogu sameeyey Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Wasiirrada Madaxtooyada, Warfaafinta Cabdilaahi, Xidhiidhka Goleyaasha, Boosaha iyo Is-gaadhsiinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, xildhibaanno, madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan.
Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Kulmiye iyo Masuuliyiin kale oo ka hadlay aaska, ayaa ehelkii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ka tacsiyeeyey Alle u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Barre Garraad, waxaanay Illaahay uga baryeen naxariistii Janno inuu ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Himilo Media
Hargeisa Office
No comments:
Post a Comment